Qaar Ka Mid Ah Ciidan Ay Dowladdu Geysay Gobalka Gedo Oo Ku Biiray Jubbaland

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay in ay dhankooda u soo goosteen ciidan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan la geeyay qeybo ka mid ah gobalka Gedo.

Afhayeenka wasaaradda amniga maamulka Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen oo la hadlay Goobjoog News ayaa tilmaamay in ciidan isugu jira Mileteri iyo booliska Haramcad loo yaqaan ay u soo goosteen dhankooda, waxa uuna ka dhawaajiyay in ciidankaasi ay iska diideen in colaad ay ka huriyaan gobalkaasi.

Dhinaca kale afhayeenka oo aan weydiinay tirade askarta isi soo dhiibtay ayaa ka gaabsaday in uu sheego balse waxa uu tilmaamay in ay gadaal ka sheegi doonaan, isagoona geesta kale baaq u jeediyay ciidanka kale ee la midka ah kuwa haatan isi soo dhiibay.

Ma jirto wali waxa wara oo ka soo baxay saraakiisha ciidanka dowladda oo ay kaga hadlayaan ciidankan la sheegay in ay u goosteen maamulka Juubaland, waxaana isku daynayay in aan xiriir la sameyno saraakiisha ku sugan gobalka Gedo balse kama aysan jawaabin wicitaanadeenii.

Horay ayaa baaqyo kala duwan loogu jeediyay dowladda federaalka kuwaas oo ku aadanaa in ay ka baaqsato faragalinta ay ku hayso Jubbaland, iyada oo dowladdu arrinkaasi dhagaha ka fureysatay.

Goobjoog News

Related Articles

2 Comments

  1. Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland ayaa waxa ay sheegtay in ay dhankooda u soo goosteen ciidan ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo dhawaan la geeyay qeybo ka mid ah gobalka Gedo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW