U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ah Dadkii Kasoo Laabtay Yemen Oo Ka Deyriyay Noloshooda

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dadkii dhawaan dib uga soo laabtay dalka Yemen oo dagaallo ay ka socdaan ayaa sheegay in ay ku dhibban yihiin magaalada Muqdisho, iyaga oo sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay hayso.

Waxay tilmaameen dadkaan oo ku nool kaam ku dhex yaalla Jaamacadda Shabelle in aysan jirin weli cid wax u qabatay, islamarkaana ay u baahan yihiin wax walba oo nolosha muhiim u ah.

Waxay tilmaameen in aysan hadda haysan Hooy ka celiya Roob, cadceedda, raashiin iyo Musqullo, waxaana ay tilmaameen in muddo Seddax Bil ah aysan arag cid kaalmo lasoo gaartay.

“Anaga wadankii waan nimid, dhibaato ayaa Yemen naga soo raacdeysay, qofka ugu yar waxa uu wataa Shan Ciyaal ah, Seddax Bil ma arag wax gurmad ah oo nasoo gaaray, shaqo malahan, roob hadii uu yimaado wey nagu soo deynaysaa meesha, caafimaad malahan, raashiinkana iska badaa oo dadka deriska ah ayaan wax la cunnaa” sidaasi waxaa tiri Faadumo Cali Daa’uud oo ka mid ah dadka dib uga soo laabtay Yemen.

In ka badan 20 kun oo Soomaali ah ayaa dib uga soo laabtay dagaallada ka socda dalka Yemen, kuwaasi oo qaarkood xaalado dhanka nolosha ah ay ku hayso gudaha dalka.

Goobjoog News