U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ah Dadkii Ku Dhaawacmay Qaraxyadii Baydhabo Oo Muqdisho Loo Soo Qaadayo

Sheeko:Dalka

Maamulka Isbitaalka magaalada Baydhabo ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay usoo qaadayaan qaar ka mid ah dhaawacyada halista ah ee dadkii ku waxyeelloobay qaraxyadii shalay gelinkii dambe ka dhacay magaallada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Agaasimaha Isbitaalkaasi Cabdifitaax Ibraahim Xaashi oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in ay wadaan kala sooca dadka xaaladda daran ku jira iyo kuwa yara roon, islamarkaana dadka daran ay usoo qaadayaan magaallada Muqdisho.

Waxa uu tilmaamay in isla maantaba ay dadka xaaladoodu daran tahay ku wareejin doonaan wasaaradaha caafimaadka ee dowladda Federaalka iyo tan maamulka Koonfur Galbeed.

“Dadaal badan baynu wadnaa, dadkii ayaa la kala saarayaa, kuwa ay xaaladoodu liidato waxaa loo qaadayaa magaalada Muqdisho, kuwa kalena halkaan baan ku daweyneynaa” ayuu yiri Agaasimaha.

Laba qarax oo midna uu yahay gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa midna uu soo xirtay qof naftii hure ah ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Baydhaba ee Gobolka Baay, waxaana qaraxyadaasi ay gallaafteen nolosha shacab gaaraya 30 iyadoo in ka badan 50 ruuxna ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Goobjoog News