U bood dhigaalka

Qodobbada Laga Soo Saaray Shirka Madasha Wadatashiga Doorashada

Sheeko:Dalka

Shirka Madasha ayaa go’aan ka gaaray sida ay noqoneyso doorashada baarlamaanka 2016-ka.

Arrintan ayaa timid kadib markii maanta shir ay Muqdisho ku yeesheen Madaxda Dowladda, Hogaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada iyo beesha caalamka.

Qodobada la soo saaray oo ilaa 7 gaaraya waxaa ka mid ahaa:

In aysan jirin muddo kororsi xilliga uu dhamaado mudada dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda

Dhismaha aqalka hoose iyo aqal sare waa in ay qeyb ka ahaadaan hanaanka doorashada 2016-ka.

Doorashada labada aqal waa in ay ku saleysnaadaan isku dheelitirka qabiil iyo deegaan.

In ay jirto kuraas cayiman oo labada aqal ah kaas oo loo qoondeeyay haweenka iyo dhalinyarada.

Waxaa kaloo lagu heshiisyay in Kismaayo lagu kulmo January 10, 2016

Goobjoog News