U bood dhigaalka

Qaar ka mid ah soomaalida ku dhaqan dalka sudan oo cabasho ka muujiyay safaaradda Soomaaliya ee Sudan

Sheeko:Amniga

Dadkan ayaa sheegay in safaaradda Soomaaliya ee Sudan ku taallo ay muddo dheer, ka diidaneyd u cusbooneysiinta baasabooradooda.

Dadka ayaa sheegay in dowladda sudan ay dhowr jeer xirtay iyagoo loo heysto aqoonsi la’aan.
Cabdi salaad geeddi oo Goobjoog la soo xiriiray ayaa sheegay in Safaaradda Cabashadooda ay wax ka qaban weysay.

Safaaradda ayeey ku eedeyeen in ay muddo ka badan shan bil ay iskaga daba wareejineysay cusbooneysiinta baasabooradooda.

Waxa ay sidoo kale sheegen in dowladda Sudan ay dhowr jeer xabsiga u taxaabtay kadib markii uu ka dhacay Aqoonsigooda.

Goobjoog News