U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Muqdisho oo Saakay Xiran

Sheeko:Amniga

Waxaa saakay xiran qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ka dib markii isgoysyada muhiimka u ah isku socodka dadweynaha la soo dhoobay ciidamo boolis ah oo diidaya in gaawirada ay waddooyinka qaar isticmaalaan.

Waddooyinka saakay xiran ayaa waxaa ka mid ah waddada dheer ee makka Al Mukarrama iyo qeybo ka mid ah isgoyska Sanca, waxaana shacabka Muqdisho aya saakay maalayaan cagahooda.

Lama oga sababta ka dambeysa xirnaanshiyaha waddooyinka qaar ee magaalada Muqdisho.

Shacabka ayaa horey dhib ugu qabay waddooyinka ay dowladdu ka xiratay kuwaas oo muhiim u ahaa isku socodka dadka.

Goobjoog News