U bood dhigaalka

Qaar ka mid ah wadooyinka Muqdisho oo Xiran

Sheeko:Dalka

muqdisho-1Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maanta xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaalada Muqdisho, gaar ahaan kuwa gala xarunta golaha shacabka ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa wadooyinka ka xiray Inta u dhaxeysa Isgoysyada Tiyaatarka iyo sidoo kale Dabka, waxaana halkaasi loo diidayaa inay maraan gaadiidka shacabka.

Uljeedka wadooyinkaan loo xiray ayaa ah kulanka maanta ay leeyihiin xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulanka maanta uu yahay mid xasaasi ah.

Xildhibaanada ayaa la filayaa in loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah Ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed, hase ahaatee xildhibaanada diidan mooshinka ayaa sheegay in wixii maanta ka dhaca xarunta golaha shacabka ay mas’uul ka yihiin Gudoonka Baarlamaanka, xildhibaanada Mooshinka keenay iyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Goobjoog News