Qaar Ka Mid Ah Xisbiyada Dalka Oo Kulan Ay Muqdisho Ku Yeeshaan Kaddib Soosaaray Baaq.

Maanta oo taariikhdu tahay 1da May 2019, waxa magaalada Muqdishu ku kulmay hogaamiyayaasha xisbiyada NDP, Himilo Qaran, Ilays, Wadajir, iyo UPD. Xisbiyadu waxay si qoto dheer diiradda u saareen amniga qaranka, dhamaystirka dastuurka, doorashooyinka 2020, nidaamka xisbiyada badan, iyo ilaalinta xoriyadaha dastuuriga ah. Xisbiyadu waxay ku baaqayaan:
- Amniga
- In dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyadu ay isla fahmaan istiraatiijiyad iyo qorshe
amni qaran oo dalka lagu xasilinayo, laguna dhisayo ciidamo qaran oo awood u yeesha
in ay mas’uuliyadda amniga dalka la wareegaan.
- In dawladda dhexe ay gacan ka siiso dawlad goboleedyada xoraynta dhulka kooxaha
argagixisada ah gacantooda ku jira lagana siiyo qoondooyin saanadda iyo hubka
dawladda dhexe loogu deeqo.
- In maqaamka caasimadda sida ugu dhaqasaha badan go’aan laga gaaro, gobolka
Banaadirna loo dhiso maamul dadkiisu soo doortaan oo la wareega sugida amaanka
gobolka.
- In amniga dalka iskaashi buuxa ay ka yeeshaan dawladda dhexe, dawlad
goboleedyada, shacabka Soomaaliyeed iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca amniga.
- Dastuurka
a. In sida ugu dhaqsaha badan loo soo afmeero waxyaalaha u baahan in go’aan
siyaasadeed iyo wadaxaajood ay ka gaaraan saamileyda siyaasadeed sida maamul
goboleedyada, dawlada dhexe iyo xisbiyaddu.
- In ka qeybgalka wadatashiga dastuurka kaalin muhiim ah laga siiyo xisbiyadda
siyaasadeed ee heer qaran si taasi u horseeddo xoojinta nidaam dimoqraadi ah oo ku
dhisan axsaabta badan.
- In dawlada dhexe iyo maamul goboleedyadu ka heshiiyaan waxyaalaha muhiimka u
ah dhameystirka dastuurka sida qeybsiga kheyraadka iyo federaalaynta nidaamka
maamulka maaliyada. iwm.
- In laga dheeraado in dastuurka laga dhigo mid cid ama shakhsiyaad dano gaar ah leh
ay ku jaangooyaan damacooda iyo danahooda gaarka ah.
- In dib loo billaabo wadahadalka Somaliland iyo Dawladda Dhexe maadaama ay tani
muhiim u tahay dhammaystirka dastuurka iyo midnimada dalka.
- Doorashada
- In doorashada lagu qabto waqtigii loo asteeyay lagana fogaado muddo kordhin ama
wax kasta oo sababi kara in uu dib u dhac ku yimaado geedi -socodka dimoqraadiyada
dalka.
- In doorashooyinka ay ku tartamaan xisbiyo qaran oo dhiirigeliya loolan ku dhisan
afkaar xor ah & barnaamijyo siyaasadeed.
- In xisbiyadu xafiisyo ka furtaan deegaan doorasho kasta oo ay si xor ah u cabbiraan afkaartooda mar kasta iyo meel kasta si waafqasan dastuuraka iyo shuruucda dalka u yaal.
- In la dhamaystiro shuruucda ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka si loo hubiyo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
- In sida ugu dhaqsaha badan looga heshiiyo nooca doorashada la geli doono 2020/2021 si looga baaqsado mugdi ku yimaada hanaanka geeddi-socodka doorashooyinka ayadoo xisbiyada qaran ay qeyb ka yihiin go’aan gaaridda.
- In mudnaan la siiyo muhimmadda ay leedahay dhexdhexaadnimada Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo kartidooda ku aadan qabashada doorasho hufan oo ay xisbiyo badan ku tartamaan.
- Xisbiyada Siyaasadda
- In golayaasha go’aanada masiiriga ah ee dalka iyo dadka taabanaya lagu gaarayo ay
qeyb ka ahaadaan xisbiyada qaran oo kaalin muhiim ah kaga jira xoogagga
siyaasadeed ee dalka.
- In Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) sida ugu dhaqsaha
badan ay u guda-galaan diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbiyada soo buuxiya
shuruudaha diiwaangelinta rasmiga ah.
- In dib loo eego Sharciga Xisbiyada Siyaasadda si loo waafajiyo Sharciga
Doorashooyinka ee xukuumadda laga sugayo in ay Baarlamaanka hor keento.
- Xorriyadaha Dastuuriga Ah
- In loo hogaansamo sareynta sharciga lana dhowrro damaanad qaadka dastuuriga ah
ee ku aadan xoriyadaha iyo xuquuqda aadamaha.
- In saaxada siyaasadda Soomaaliya la furfuro oo laga dheeraado caburinta siyaasiyiinta
fikirkooda ka dhiibanaya xaaladaha siyaasadeed ee dalka.
- In loo ogolaado bulshada rayidka ah in ay si madaxbanaan u gutaan waajibaadkooda
ku aadan toosinta iyo talo bixinta xaaladda dalka.
- In saxaafada loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda ku aadan in ay ummada usoo
tebiyaan dhacdooyinka siyaasadeed iyo kala duwanaanshaha fikirka dadka ku
loolamaya saaxadda siyaasada.
- In la xurmeeyo lana hubiyo xaqa muwaadiniintu u leeyihiin cabbirida rayigooda iyo in
ay isu imaan karaan, geli karaan una ololeyn karaan xisbi, qadiyad ama fakar siyaasadeed oo waafaqsan shuruucda dalka.
- Kulanka Garowe
- Xisbiyaddu waxay dhiiri gelinayaan qabsoomidda kulanka Garowe ee dhex mari doona
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha
Dawlad Goboleedyada.
- Xisbiyaddu waxay rajeynayaan in kulanka ay ka soo bixi doonaan go’aano wax ka tara
geedi socodka dimoqraadiyadda dalka iyo xasilinta dawladinimada Soomaaliya. DHAMAAD