Maanta oo taariikhdu tahay 1da May 2019, waxa magaalada Muqdishu ku kulmay hogaamiyayaasha xisbiyada NDP, Himilo Qaran, Ilays, Wadajir, iyo UPD. Xisbiyadu waxay si qoto dheer diiradda u saareen amniga qaranka, dhamaystirka dastuurka, doorashooyinka 2020, nidaamka xisbiyada badan, iyo ilaalinta xoriyadaha dastuuriga ah. Xisbiyadu waxay ku baaqayaan:
- Amniga
- In dawladda dhexe iyo dawlad goboleedyadu ay isla fahmaan istiraatiijiyad iyo qorshe
amni qaran oo dalka lagu xasilinayo, laguna dhisayo ciidamo qaran oo awood u yeesha
in ay mas’uuliyadda amniga dalka la wareegaan.
- In dawladda dhexe ay gacan ka siiso dawlad goboleedyada xoraynta dhulka kooxaha
argagixisada ah gacantooda ku jira lagana siiyo qoondooyin saanadda iyo hubka
dawladda dhexe loogu deeqo.
- In maqaamka caasimadda sida ugu dhaqasaha badan go’aan laga gaaro, gobolka
Banaadirna loo dhiso maamul dadkiisu soo doortaan oo la wareega sugida amaanka
gobolka.
- In amniga dalka iskaashi buuxa ay ka yeeshaan dawladda dhexe, dawlad
goboleedyada, shacabka Soomaaliyeed iyo dawladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca amniga.
- Dastuurka
a. In sida ugu dhaqsaha badan loo soo afmeero waxyaalaha u baahan in go’aan
siyaasadeed iyo wadaxaajood ay ka gaaraan saamileyda siyaasadeed sida maamul
goboleedyada, dawlada dhexe iyo xisbiyaddu.
- In ka qeybgalka wadatashiga dastuurka kaalin muhiim ah laga siiyo xisbiyadda
siyaasadeed ee heer qaran si taasi u horseeddo xoojinta nidaam dimoqraadi ah oo ku
dhisan axsaabta badan.
- In dawlada dhexe iyo maamul goboleedyadu ka heshiiyaan waxyaalaha muhiimka u
ah dhameystirka dastuurka sida qeybsiga kheyraadka iyo federaalaynta nidaamka
maamulka maaliyada. iwm.
- In laga dheeraado in dastuurka laga dhigo mid cid ama shakhsiyaad dano gaar ah leh
ay ku jaangooyaan damacooda iyo danahooda gaarka ah.
- In dib loo billaabo wadahadalka Somaliland iyo Dawladda Dhexe maadaama ay tani
muhiim u tahay dhammaystirka dastuurka iyo midnimada dalka.
- Doorashada
- In doorashada lagu qabto waqtigii loo asteeyay lagana fogaado muddo kordhin ama
wax kasta oo sababi kara in uu dib u dhac ku yimaado geedi -socodka dimoqraadiyada
dalka.
- In doorashooyinka ay ku tartamaan xisbiyo qaran oo dhiirigeliya loolan ku dhisan
afkaar xor ah & barnaamijyo siyaasadeed.
- In xisbiyadu xafiisyo ka furtaan deegaan doorasho kasta oo ay si xor ah u cabbiraan afkaartooda mar kasta iyo meel kasta si waafqasan dastuuraka iyo shuruucda dalka u yaal.
- In la dhamaystiro shuruucda ku xeeran qabsoomidda doorashooyinka si loo hubiyo in dalka ay ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.
- In sida ugu dhaqsaha badan looga heshiiyo nooca doorashada la geli doono 2020/2021 si looga baaqsado mugdi ku yimaada hanaanka geeddi-socodka doorashooyinka ayadoo xisbiyada qaran ay qeyb ka yihiin go’aan gaaridda.
- In mudnaan la siiyo muhimmadda ay leedahay dhexdhexaadnimada Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo kartidooda ku aadan qabashada doorasho hufan oo ay xisbiyo badan ku tartamaan.
- Xisbiyada Siyaasadda
- In golayaasha go’aanada masiiriga ah ee dalka iyo dadka taabanaya lagu gaarayo ay
qeyb ka ahaadaan xisbiyada qaran oo kaalin muhiim ah kaga jira xoogagga
siyaasadeed ee dalka.
- In Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ) sida ugu dhaqsaha
badan ay u guda-galaan diiwaangelinta rasmiga ah ee xisbiyada soo buuxiya
shuruudaha diiwaangelinta rasmiga ah.
- In dib loo eego Sharciga Xisbiyada Siyaasadda si loo waafajiyo Sharciga
Doorashooyinka ee xukuumadda laga sugayo in ay Baarlamaanka hor keento.
- Xorriyadaha Dastuuriga Ah
- In loo hogaansamo sareynta sharciga lana dhowrro damaanad qaadka dastuuriga ah
ee ku aadan xoriyadaha iyo xuquuqda aadamaha.
- In saaxada siyaasadda Soomaaliya la furfuro oo laga dheeraado caburinta siyaasiyiinta
fikirkooda ka dhiibanaya xaaladaha siyaasadeed ee dalka.
- In loo ogolaado bulshada rayidka ah in ay si madaxbanaan u gutaan waajibaadkooda
ku aadan toosinta iyo talo bixinta xaaladda dalka.
- In saxaafada loo fududeeyo gudashada waajibaadkooda ku aadan in ay ummada usoo
tebiyaan dhacdooyinka siyaasadeed iyo kala duwanaanshaha fikirka dadka ku
loolamaya saaxadda siyaasada.
- In la xurmeeyo lana hubiyo xaqa muwaadiniintu u leeyihiin cabbirida rayigooda iyo in
ay isu imaan karaan, geli karaan una ololeyn karaan xisbi, qadiyad ama fakar siyaasadeed oo waafaqsan shuruucda dalka.
- Kulanka Garowe
- Xisbiyaddu waxay dhiiri gelinayaan qabsoomidda kulanka Garowe ee dhex mari doona
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynayaasha
Dawlad Goboleedyada.
- Xisbiyaddu waxay rajeynayaan in kulanka ay ka soo bixi doonaan go’aano wax ka tara
geedi socodka dimoqraadiyadda dalka iyo xasilinta dawladinimada Soomaaliya. DHAMAAD