U bood dhigaalka

Qaar ka tirsan bulshada oo sheegay in shirarka ka socda gudaha dalka ay ku lug leeyihiin dalal shisheeye

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah dad waynaha Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ayaa sheegay in shirarka ka socda magaalooyin ka tirsan dalka ee looga hadlayo maamul u samaynta ay ku lug leeyihiin dalal shisheeye.

Shacabkan ayaa tilmaamay in shirarkan ay yihiin kuwo aan laga filan karin natiijadii looga baahnaa.

Waxa ay carabka ku dhufteen in dowlado ka tirsan urur goboleedka IGAD ay dano gaar ah ka leeyihiin qaar ka tirsan gobolada koofureed ee dalka sida Jubbooyinka oo ay imika ku sugan yihiin ciidamo ka socda dowladda Kenya.

Ugu dambeyn waxa ay carabka ku dhufteen shirarkan ka socda magaalooyin ka tirsan dalka ay yihiin kuwo qas iyo   fowdo ka abuuri kara bulshada Soomaaliyeed.

Hadalada dadkan ayaa ku soo beegmaya xilli shirar dib u heshiisiineed ay ka socdaan magaalooyinka Baydhabo iyo Kismaayo iyada oo la filayo in dhowaan magaalooyinka Garbahaarey iyo Cadaado ay ka furmaan.