U bood dhigaalka

Qaar kamid ah xildhibaannada baarlamaanka oo ka horyimid guddi loo magacaabay xiisadda Laascaannood

Sheeko:Amniga

Qaar kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ee deegaan doorashadoodu ay tahay Somaliland ayaa ka horyimid guddi uu magacaabay guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe.

Xilshibaannadaan ayaa sheegay in guddiga uu Sheekh Aadan Madoobe u magacaabay in ay ka soo talabixiyaan xaaladda magaalada Laascaannood ee gobalka Sool, ay yihiin kuwa aan loo marin hanaankii sharciga ahaa.

Mudanayaashan ayaa sidoo kale ku andacooday in xubnaha guddigaan aysan ahayn kuwa xog-ogaal u ah xiisadda Somaliland iyo gobalka Sool ka dhex aloosan.

Nuuradiin col-ujoog oo kamid ah xildhibaannada golaha shacabka ayaa sheegay in xubnaha guddiga aan qaarkood lagu kalsoonaan karin.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xiisadda ay sii murjinayaan guddigaan loo xilsaartay xaaladda gobalka Sool.

Goobjoog News