U bood dhigaalka

Qaban Qaabada Doorashada Jubbaland Oo Laga Dareemayo Magaalada Kismaayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka Jubada Hoose, waxaa si aad ah looga dareemayaa diyaar garowga loogu jiro doorashada madaxtinimada Jubbaland e la filayo in 15-ka bishaan ay ka dhacdo magaaladaasi.

Seddax Musharrax ayaa illaa iyo haatan waxa ay gudbiyeen araajidooda, iyadoo qaar ka mid ah musharraxiinta ay bilaabeen ololahooda.

Guddiga doorashada Jubbaland ayaa horay usoo bandhigay shuruudaha laga doonayo musharraxa, iyadoo xusid ay mudantahay in musharraxiinta uu ka mid yahay madaxweynaha xilligaan Axmed Madoobe.

Araaji qabashada musharraxiinta ayaa ku eg maalinta taariihkhdu tahay 12-ka bishaan August gelinkeeda dambe.

Baarlamaanka Jubbaland ayaa dooran doona madaxweynahooda, waxaana doorashada ay noqoneysaa mid qarsoodi ah, iyadoo markii hore ee Axmed Madoobe lasoo dooranayay ay Odayaasha dhaqanka ku doorteen qaab gacan taag ahayd.

Dhinaca kale ammaanka magaalada Kismaayo ayaa aad loo adkeeyay, waxaana wadooyinka magaalada lagu arkayaa ciidamada Jubbaland oo amniga sugaya.

Goobjoog News