U bood dhigaalka

Qabanqaabadii Ugu Dambeysay Doorashada Jubbaland Oo Kismaayo Ka Socota Iyo Waddooyin Xiran

Sheeko:Dalka

Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubada Hoose waxaa ka soconaya qabanqabadii ugu dambeysay ee doorashada Jubbaland, iyadoo saacado ka dib ay doorashada billaaban doonto.

Wariyaheena Cabdinaasir Saxansaxo oo howlo shaqo u jooga magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in guud ahaan magaaladaasi laga dareemayo abaabulka doorashada iyadoo amniga magaalada aad loo adkeeyay.

Wadooyinka waaweyn ee magaalada Kismaayo ayaa gabi ahaanba waxaan mari karin dadka shacabka ah iyo sidoo kale gaadiidka, balse xaafadaha dhexdooda waa kuwo isku socodka u furan.

Ciidamada Jubbaland ayaa lagu dhammaan wadooyinka magaalada Kismaayo, iyadoo xilka madaxweyne ay u tartamayaan Afar Musharrax.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News