U bood dhigaalka

Qabanqabaada Dibadbax Lagu Taageerayo Axmed Madoobe Oo Ka Socota Kismaayo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee gobalka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in halkaasi ay ka soconayso qabaqaabada dibadbax lagu taageerayo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) oo mar kale xilkaasi loo doortay.

Wariyaheena Mascuud Cabdullaahi Aadan oo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa soo sheegaya in guud ahaan magaaladaasi laga dareemayo diyaar garowga loogu jiro dibadbax maanta ka dhaca magaalada Kismaayo.

Inta badan goobaha ganacsiga dadka ma aanay furin, waxaana la sheegay inay isku diyaarinayaan dadka ka qeybgalka dibadbaxaan.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in amniga guud ee magaalada Kismaayo aad loo adkeeyay, waxaana waddooyinka waaweyn ee magaaladaasi lagu arkayaa ciidamo badan oo amniga sugaya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News