U bood dhigaalka

Qabashada Araajiida Musharixiinta Galmudug oo Maanta Bilaabanaysa

Sheeko:Dalka

Guddiga doorashooyinka madaxweytinimo ee maamulka Galmudug ayaa maanta si rasmi ah u bilaabaya qabashada araajida musharixiinta u taagan xilka madaxweynenimo iyo ku xigeenimo ee Galmudug.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Maxamuud Aadan Cusmaan ayaa yiri “Laga bilaabo 30ka bisha June , 2015 waxaa la bilaabayaa qabashada araajiida dadka u tartamaya madaxweynenimada iyo ku xigeenada Galmudug, qabashadana waxa ay ku egtahay 1-da bisha todobaad 2015-ka” ayuu yiri.

Araajiida ayaa waxaa la geynayaa xafiiska guddiga, halkaasi oo musharixiinta laga siinayo waraaqo caddeynaya in ay musharixiin yihiin, iyo waliba shuruudaha laga doonayo.

Illaa dhawr iyo tobon musharax ayaa u taagan xilka madaxtinimo ee Galmudug.

Goobjoog News