U bood dhigaalka

Qabiir Dhanka Amniga Ah Oo Sheegay In Al-shabaab u Aargudayaan Saraakiil Laga Dilay

Sheeko:Dalka

Korneel Shariif Xuseen Roobow oo ah qabiir dhanka ammaanka ayaa sheegay in weerarkii lagu qaaday Hoteelka Ambassador ee magaalada Muqdisho iyo kuwo noocan oo kale ah la filan karo xilliyada ay soo dhawaato bisha barakeysan ee Ramadan oo maalmo inaga xigaan.

Waxa uu sheegay in weerarka dhacay marka laga gudbo sidoo kale weli la filan karo weeraro sidaan oo kale ah ama kuwo kasii daran waa sida uu hadalka u dhigaye.

Shariif Xuseen ayaa weerarkii ka dhacay Arbacadii ee Ambassador uu u muuqanayo mid Al-shabaab ay kaga jawaabayeen saraakiil sar sare oo laga dilay.

“Weeraradan inay dhacayaan waa loo maleynayey waayo Dagaalyahannada kasoo horjeeda dowladda wey joogaan gobollo badan ayeey ku sugan yihiin illaa Puntland ayeey weli ka dagaallamayaan, marka mar hadii aan la dhameyn oo aan la tir tirin waxaa waaye inay aargoosi sameeyaan wax diidayo malahan, waayo waxaa laga dilay hoggaamiyeyaal sarsare, Jubada Hoose waad la socotaan saraakiil kale baa looga dilay Arbacadii, marka inay aarsanayaan barayahaan waa loo maleynayey waana la filayey, midda kale bisha Ramadaan ayaa timid oo ay dhihi jireen waa bishii Jihaadka” ayuu yiri Shariif Roobow.

Dhanka kale Koraneel Shariif ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay weli ka dhimmantahay inay hesho farriin kahor inta aanay wax dhicin, wuxuuna sheegay in Nabad sugidda ay qabtaan shaqadii Booliiska oo ah markii ay wax dhacaan balse iyaga laga doonayo in falka kahor ay wax qabtaan waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News