U bood dhigaalka

Khabiir ka digay marin habaabin lagu sameeyo gargaarka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Khabiir sare ayaa ka digay musuq maasuq hareereeya maamulida gargaarka reer galbeedku siiyo Soomaliya, ka dib saddex Sano oo ay Soomaaliya soo martay macluul daran iyo abaar saameeysay dad iyo duunyaba.

Professor Daniel Max well oo ka tirsan xarunta caalamiga ah ee Vinstan ee taabacsan jaamacadda Tufts ee dalka mareykanka waxaa uu sheegay in ay hayaan cadeeymo cad oo muujinaya in jilayaasha reer galbeedkua ay yaqiinsadeen sida ay u baareen gar gaarkii bini aadannimo ee loogu tala galay dadka Soomaliyeed.

Khabiirka ayaa sheegay in shaqaalaha gar gaaraka ay rumeysanyihiin in nidaamka gargaarka bini aadannimo ee Soomaaliya uusan ka fiyoobayn dhiibatada iyo cabsida laga qabo qaanuuniyan in gar gaarku u gacan galo waxa uu ku tilmamaay khabiirku argagixisda .

sanadkii 2010 guddi khubaro ah oo taabacsan Qaramada Midoobay ayaa sheegay in ilaa kala bar raashinkii gargaarka Soomaaliya ay la tageen qandaraaslayaal iyo musuqmaasuqiistayaal ay ku jiraan howlwadeenada deeganaka iyo Al-shabaab.

Professor Daniel Maxwell waxaa uu sheegay inay in badan oo kamid ah hay’addaha gargaarka ay cabsi ka qabaan in shaqadooda gargaarka lagu daro liiska Madoow ee qaramada Midoobay ama ay wasaqowdo sumacadooda haddii ay soo baxaan macluumaad la hubo oo muujinaya in la xaday gargaarkii bini aadannimo ee ay ku soo qaadeen magca dadka Soomaaliyeed.

Waxaa Tarjumay Cabadiraxmaan Daahir Guutaale Maaliki.

Goobjoog News