U bood dhigaalka

Qad Tareen Oo Laga Hirgeliyay Dalka Kenya

Sheeko:Dalka

Kenya ayaa waxay xarigga ka jartay wado qad tareen ah  oo cusub taasi oo isku xiri doonto magaalada caasimadda ah ee Nairobi iyo magaalo xeebeedka Mombaasa.

Qadkaan tareen oo ay Kenya sameysay ayaa waxaa lagu tiriyaa mashruucii ugu weynaaa ee laga hirgeliyo dalkaasi, waana maalgelin wax badan ka badali doona isu socodka iyo ganacsiga dalkaasi.

Furitaanka qadkaan tareen ayaa waxa ka soo qebgalay madax ka tirsan dalka Kenya oo uu ugu horreeyo madaxweyne Uhuru Kenyatta.

Madaxweyne Kenyatta ayaa tilmaamay in qadkaan tareen uu ka qeyb qaadan doono abuurista shaqooyin cusb, waxa uu sidoo kale tilmaamay in uu kaalin weyn ka ciyaari doono horumarinta dhaqaalaha dalka.

Mashruucaan ayaa waxa dalka Kenya ka hirgaliyay dowladda Shiinaha waxayna Kenya ku leedahay qadkaan Tareen dhaqaalaha ka soo baxa boqolkiiba 10%, halka dowladda Shiinaha ay qaadaneyso boqolkiiba 90%.

Shanta sano ee soo socota waxaa ka shaqeyn doona qadkaan tareen shirkado ay dowladda Shiinaha ay leedahay, iyadoo shan sano ka dib maamulka tareenka iyo faa’idadiisaba toos loogu wareejin doono Kenya.

Tareenkaan ayaa waxa uu dhirirkiisa uu gaarayaa 472KM, waxanaa ku baxday lacag dhan 3.8 milyan oo doolarka mareykanka ah.

Goobjoog News