U bood dhigaalka

Qalab Caafimaad Oo Maanta Lagu Wareejiyey Isbitaallada Ku Yaallada Magaalada Jowhar

Sheeko:Caafimaadka

Qalab caafimaad ayaa maanta waxaa lagu wareejiyey maamullada Isbitaallada ku yaalla magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe, waxaana qalabka isugu jiraa Sariiro iyo sidoo kale qalabyada ay Isticmaalaan dhaqaatiirta.

Maamulka Gobolka Shabellaha dhexe ayaa xarunta Isbitaalka INTERSOS ee Jowhar waxa uu ku qabtay munaasabad ku saabsan wareejinta qalabkaan, waxaana ka qeybgalay masโ€™uuliyiin dhowr ah.

Munaasabaddan ayaa markii ay soo gabagabowday qalabkana la guddoonsiiyey Isbitaalladan ayaa Goobjoog News waxay arrintani wax ka weydiisay Daaโ€™uud Xaaji Cirro oo ah afhayeenka maamulka Shabellaha Dhexe.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in gobolka Shabellaha dhexe uu qalabkaan oo kasoo gaaray dalka Finland ay ku wareejiyeen Isbitaallada kala ah INTERSOS iyo IMC, lana doonayo in loogu shaqeeyo shacabka gobolka Shabellaha dhexe.

Qalabka ay wareejiyeen ayaa u badan sariirro, kuwa la surto Feleebooyinka, qalab la adeegsan doono xilliyada qalliinka iyo kuwo kale.

Sanadkii 2015-ka waxaa qalabkaan magaalada Jowhar gaarsiiyey siyaasiyiin iyo xubno ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii ay ka heleen dowladda Finland, hase ahaatee maanta ayaa maamulka Gobolka Shabellaha billaabay in la qeybiyo.

Goobjoog News