U bood dhigaalka

Qalab Loogu Tala Galay In Lagu Maamulo Hawada Soomaaliya Oo Muqdisho La Keenay

Sheeko:Dalka

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Jamaal Maxamed Xasan ayaa magaalada Muqdisho keenay qeyb ka mid ah qalab loogu tala galay in lagu maamulo Hawada Soomaaliya, isaga oo safiirka arrinkaasi ka warbixiyay.

Mar uu safiirka la hadlay warbaahinta dowladda ayaa waxa uu sheegay in qalabkaan uu ka keenay dalka Kenya islamarkaana ay yihiin qeyb ka mid ah kuwii looga shaqeyn lahaa la socodka iyo maamulka Hawada Soomaaliya, kuna wareejin doono wasaaradda Gaadiidka iyo duulista Hawada maalinta Isniinta ah.

“Qalabkaan waxa uu ka kooban yahay Computero iyo qalab kale oo muhiim u ah isticmaalka saadaasha hawada, wax badan baa la sugayey, waxaa gacan weyn ka geystay IGAD, waxaan rajeynaynaa in qalabkaan uu wax badan ka taro hiigsiga aan leenahay ee ah maamulka hawadeenna”

“Qalabkaan muhiimad weyn ayuu u leeyahay sidii Soomaaliya ula soo wareegi lahayd inay hawadeeda ka maamulato wadanka gudahiisa hadda waad ogtihiin Nairobi ayuu yaalaa hay’adda ICAO ayaa gacanta ku haysa si aan ula soo wareegno waxaa loo baahan yahay qalabyo qeybtaan ay ka mid tahay” ayuu yiri Safiir Jamaal.

“Qalab badan baan u baahannahay mid waan haysannaa oo waa midkaan waxaa inaga maqan Labo qeyb kale oo ah Raadeerkii lagu arkayey diyaaradaha oo bishan dhamaadkeeda imaan doona, iyo Recording System marka waxaan rabnaa in wixii oo dhan aan keysanno kadibna aan ka howlgalno sidii toos loola wareegi lahaa maamulka hawada” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay safiir Jamaal.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii ay dib ula soo wareegi lahayd maamulka Hawada Soomaaliya.

Goobjoog News