U bood dhigaalka

Qalabyada Casriga Ee Wax Lagu Daabaco Oo Saameeyey Farshaxanleyda Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Soomaalidu waa dad leh xigmad durugsan iyo farshaxan taariikhi ah, taasoo ay bulshada dunidan guudkeeda kula nool ay kaga duwan yihiin.

Sawirrada gacan ku sameyska ah ee farshaxan-yahanada Soomaliyeed ay sameeyeen ayaa ah kuwo baal dahab ah ka galay taariikhda ummadda Soomaaliyeed, iyadoo sameyn jirey sawirro xilligaa waaqiciga jirey ka tarjumayay.

In la sameeyo ama si maskaxiyan ah loo sawiro sawir iyadoo si qurux badan loo sameynayo ayaa ah haybad kale oo gaar ah oo Alle uu ku maneystay, waxaana Soomaalidu ahaayeen kuwo si wanaagsan uga faa’iideysta.

Farshaxanka ayaa qeyb weyn ka qaatay fahamka dhaqanka ummadda Soomaliyeed iyadoo waqtigii hore farshaxan-yahanada Soomaaliyeed ay gacantooda ku sameyn jireen sawirro ka hadlaya hiddaha iyo dhaqanka ummadda Soomaaliyeed.

Muddooyinkii dambe waxaa dunida gaar ahaan Soomaaliya ku soo batay Makiinadaha wax  lagu daabaco oo saameyn  ku yeeshay ragg badan oo ka xoogsan jiray xirfaddan wax sawirka ah.

Tusaale ahaan, Sanado ka hor goobaha ganacsiga ee markaas la furayo waxaa xayeysiiska gidaarka ugu sawiri jiray farshaxan kaas oo waqtigaas lacag ku qaadan jiray, balse hadda magaalada inteeda badan aad ku arkeysid goobaha ganacsiga oo ku dhaggan boor ay daabacday makiinadaha digitalka ah, oo si casri ah u shaqeeya.

Shikshik  arts waxaa loogu magac daray Nuur Shikshik oo ah farshaxan yaqaan waqti badan ka soo shaqeeyay howlaha sawirrada gacanta lagu sameeyo.

Xaruntiisa Km4 ayaan kula kulmay waxaana uu sheegayaa farshaxanka markii uu ku gudajiro waxa uu dareemo ka shaqsi ahaan.

Nuur shikshik “horta laba noocba waan dareemaa, mar waa xirfadeena ama hobigeena waxay noo tahay macaamilka iney noo yimaadaan oo u shaqeyno farxad, marka kalena waan ku noolnahay oo waan biilanaa, faa’iido kale ayey noo tahay inaan shaqeyno, faa’iidana waan ka helnaa”

Qalabkan digitalka ah ee hadda lagu daabaco sawirrada ayaa waxaa uu saameyn weyn ku yeeshay xirfadlayaashii wax daabici jiray, kuwaas oo hadda shaqooyin kale ka raadsaday iyagoo ka miciin bidey shaqadaas shaqooyin kale .

Nuur shikshik ayaa mar kale sheegaya saameynta qalabkan digitalka ah uu ku yeeshay dadka farshaxanka aqoonta u lahaa.

Nuur shikshik “ saameyn way leedahay, ee qasab waaye, barnaamij walboo kugu soo kordho saameyn way yeelaneysaa laakiin magaaladiyaa weynaatay hadeer balse magaalada hadeey yaraan lahayd waxba ma’ahaan lahayn oo saameyn naguma yeelan lahayn, marka hore waxaan islahayn saameyn idinkuma yeelaaneyso laakiin marki dambe waxaan ogaanay ineysan waxba naga haleyn karin”

Cabaas Ali waa maamulaha Shirkadda daabacaadda ee loo yaqaan Signjet oo ka mid ah shirkadaha daabacaadda boorarka xayeysiiska,

Goobjoog  ayaa waydiisay bal in qalabkan uu saameeyay rag badan oo reerahooda ka biili jiray farshaxanka.

Cabaad Nuur ” Farshaxanku waa farsamo meelay ka soo bilaabatay waaye mala dhihi karo waa laga wada guuray oo dadka qaar hadda waxay na dhahaan ee sawirrada marka loo baahdo arts-ki hore, dhaqankii Soomaalida, waxyaabo badan artska waa lagu labtaa waa la soo sameeyaa kadibaan digitaal u badalnaa, waa in Scan la saaro oo sawir laga qaado ka bacdi la daabaco, marka weli lagama tagin laakiin fududeyn marka sheeygii hore lagama wada tagin laakiin waa laga fududanaa”

Tiknoolajiyada ayaa isbedello degdeg ah sameyneysa, taasoo ku sababi karta dad hadda shaqo fiican heysta ay berri waayaan kadib markii ay ku guul dareystaan in ay la jaanqaadaan halka ay u socoto dabeyshaTiknoolajiyadu.

Sidaa darteed qubarada darsa technoolajiyada ayaa sheegay in xirfadlayaasha ku howlan shaqooyinka yaryar ay u baahan yihiin in ay hormariyaan nidaamkooda shaqo si’aysan baska horumarka uga dhicin.

Mohamud Ali Haji Osman

Goobjoog News