U bood dhigaalka

Qalalaasaha Itoobiya: Berhanu Jula oo Laga Dhigay Taliyaha Ciidanka, Abiy oo Ceyriyey Madax Sare

Sheeko:Amniga

Xilli ay dagaallo ka socdaan Itoobiya maalintii 6-aad ayaa ra’isul wasaaraha Itobiya Abiy Axmed waxaa uu axaddii shaqada ka ceyriyey taliyihii ciidamada qalabka siday, wasiirkii arrimaha dibadda iyo  madaxii sirdoonka, ceyrinta oo ana la sababeyn.

Dhanka kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in Berhanu Jula oo ahaa ku-xigeenka ciidamada qalabka sida ee Itoobiya hadda laga dhigay taliyaha cusub ee ciidanka qalabka sida ee dalkaasi.

Sida ay qortay AFP, ilaa 100 askari oo ka tirsan ciidamada Militariga ayaa lagu dhabiibay gobolka waqooyi ee  Amxaarada.

Inkasta oo maamulka Abiy Axmed ay sheeganayaan in guul ka gaareen weerrada ka dhanka Tigrayga hadana xiriirka oo xun dartii weyn adagtahay in warkaasi la xaqiijiyo.

Ra’isul wasaare Abiy oo sanadkii hore uun helay Nobel Peace Prize ayaa isku badaly dilaa, duqeeyey dadkiis,  waxaana jira cabasho la xiriirta xuquuqul insaanka, taasi oo laga yaabo iney saameyso abaalmarintiisa.

Goobjoog News