U bood dhigaalka

Qalbi Dhagax “Waan Dacweyn Karay Labo Ama Saddex Shaqsi Oo Xukunka Haya”

Sheeko:Dalka

C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa magaalada Gaalkacyo ka sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaanka federaalka dartiis u daayay dacwad uu ka gudbin lahaa shaqsiyaad uu sheegay in isaga ay ku xadgudbeen.

Waxa uu tilmaamay inuu haysto awood badan oo shacabka Soomaaliyeed ah sidoo kalena haystay fursado uu madaxda dalka ugu dacweeyo maxkamado caalami ah.

Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay iney u muujiyeen dareen dhab ah oo ku aadan iney la xanuunsanayan dhibta soo gaaray, sidoo kalena Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka horyimaadeen wixii lagu sameeyey.

Qalbi Dhagax aya sidoo kale sheegay in dowladda federaalka dhibaatooyinka haysta ay ka mid tahay in aysan raaligelin ka bixin qaladaadka ka dhaca.

Halkaan hoose ka dhageyso:

Goobjoog News