U bood dhigaalka

Qalbidhagax oo Soo Gaaray Muqdisho iyo Ujeedka Safarkiisa

Sheeko:Amniga

Waxaa maanta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho soo gaaray Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbidhagax, wasiirro iyo xildhibaanno dowladda federalka Soomalaiya ayaa qeyb ka ahaa soo dhoweynta loo sameeyay.

Cabdikariim ayaa waxaa lagu wadaa inuu malainta Axada ka qeyb galo doorashada madaxweynaha 10-aad ee Jamhuuriyadda federalka Soomaaliya, isaga oo ku jira martida lagu casuumay Hoolka doorashada ee Afisyooni.

Dowladda waqtigeedu dhammaaday ayaa waxaa lagu xasuustaa in Cabdikariim ay u gacan galisay dowladda Itoobiya, isaga oo laga qabtay Galmudug, kadib diyaarad laga saaray magaalada Mudisho sanadkii 2017-kii

Goobjoog News