Qalliinka Haweenka Uurka Leh: Ma Badbaadin Mise Ganacsi Dadban

Haweenka ku umula  goobha caafiaadka iyo eheladooda  ayaa cabasho ka sheeganaya qalliino ay  dhakhaatiirtu ku  fuliyaan waqtiyada dhalmada si baahi la’aan ah .

Haween Soomaaliyeed oo  ku kala nool deegaano kala duwan oo dalka ah oo aan la hadalnay  waxay cabashadooda ku saleeyeen  arrimo ay ka mid yihiin  in markii ay tageen goobaha caafimaadka  si ay ugu soo umulaa n waqti kooban gudahood lagu qalay ilmahii iyaga oo qallin la’aan ku dhali karaayey.

Haweenay kasta  qallin laguma samayn karo waqtiga dhalmada ilaa ay la soo daristo xaalado ay ka mid yihiin inuu ku dhufto amaba ay hore u lahayd xanuunka dhiigkarka /Blood Pressure  iyada oo waliba marka hore la siinayo dawooyin dejin kara .

Maryan Muxumed Diirshe  oo  umulisonimada aqoon ahaan u baratay muddo 30 sanno ka badana ku shaqaynaysay  kana tirsan cusbitaalka Banaadir  hooyadao  iyo dhalmada ee  Muqdisho ayaa inoo sii sharaxaysa sababo kale oo ay waajib tahay in la qalo Hooyada waqtiga dhalmadeeda” dhiigga oo kor u kaca waan soo sheegnay , ilamaha oo noqday dabakeen halka  ka caadiga ahi uu madaxa uu soo horreeyo marka uu dhalanaayo, hooyada oo sagaalkii bilood dhaafta oo haddii ay gaarto 42 todobaad in ka badan waa la qalayaa iyadana oo limihii ayey biyihii ka dhammaadeen uu ku dhalan lahaa, waxa kale oo jirta in haddii ay hooyadu gabarnimo ku weynaato oo da’da 30 jir iyo waxii ka weyn  ay ku dhasho  in iyaduna ay qallin u baahanayso oo jirkeedii ayaa isku dhagaaya , sidoo kale waxa loo qali karaa haddii ay iyada oo da’ahaan yar sided 14 jir gabarta lagu guursaday waxay  u baahanaysaa qalliin oo miskaheedii ayaa isku dhegan oo ilmihii kama soo bixi karo  intaas waxii ka soo hara iyada oo waliba markasta la isku dayaaya in fool loo sameeyo/Indection  oo dawooyin la siinayo, intaas waxii ka soo hara qalaad ayaa lagu qalay gabartaasi“.

Haweenka kala duwan ee isla arrintan aanu ka waraysanay waxa ka mid ah  Bushro Cabdilaahi Cali  oo sannadkii 2014-kii qalliin loogu sameeyey magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ,  Bushro oo ilmaheedii koobaad dhalashay  waxay noo sheegtay in tallaabo qaldan uu ku dhaqaaqay  dhakhtarkii ay xaruntiisa caafimaad ku foolanaysay waxayna ku sababaysay inaan fursad loo siinin inay qalliin la’aan  ay ku dhasho  Bushra ayaa arrintaasi ka waramaysa “ aniga ilmahaygii koobaad ayey foosheedii I qabatay  waxa la ii waday xarun caafimaadka anigoo foolanaaya oo aamisan inaan dhalaayo ayuu  dhakhtarkii ii sheegay in la ii qalaayo , ehelkaygii iyo aniguba waan diidnay balse noloshaydu inay ku xirantahay ayuu sheegay sidii ayaana la igu qalay”.

Bushro hadda ilmihii lagu qalay waa laba sanno jir balse waxay ka walaacsantahay laba sanno ka dib in hadana mar kale ay la kulanto qalliin kale haddii ay cusbitaal fool u aado” aniga markii aan qalliinka galay waxa la ii sheegay inaan laba sanno dhalli Karin waxa la ii siiyey dawooyin  sidoo kale makaanka/ilmagaleenka  ayaa caag la igaga xiray balse waan xanuustay oo xaalad adag ayaan galay dhakhaariitu waxay ii sheegeen in dawooyinka aan qaato  ay xanuunka  sababeen , sidoo kale hadana waxaan ka cabsoonayaa haddii aan joojiyo in labadaasi sanno gudahooda aan uur qaado “ ayey sheegtay  Bushro oo aan loo qallin sabab ka mid kuwa aan hore u soo sheegnay oo ka hadlaysay saamaynta uu qalliinku kaga tagay

Ehelada hooyooyinka qalliinada ilmaha lagaga soo saaray ayaa dhakhaatiirta ku eedaynaya   inay ay dhaqaale darteed ay u door bidaan  qalliinka , Cismaan  Cabdilaahi Cilmi oo Hargeysa ku nool saddex mar  ayey xaaskiisu ku dhashay qalliin lagu sameeyey waxaanu isaga oo Goobjoognews la hadlaaya uu sheegay in dhaqaale ahaan ay ku adagtaha bixinta lacagta qalliinku” waxaan ahay nin xamaasha oo shaqooyinka gacanta qabta , saddex mar ayey xaaskaygu cusbitaal qalliin dhalmo u gashay , markasta waxaan bixiyey lacag ka badan $700 marka dawooyinka laga reebo , waxaana markasta la ii sheegaa  in haddii aan bixin waayo ay xaaska iyo ilmuhuba isku dhiman doonaan , dhakhaatiirta waxaan ka codsadaa in la baxnaaniyo balse markasta iyaga ayaa ka dayriya haddiiba ay saacad wax ku dhaw foolato  markaas arrintaasi dhib dhaqaale iyo mid nololba waan u arkaa” ayuu yiri Cusmaan.

Waqtigan kooban ee ay dhakhaatiirtu u qabaan inay haweenaydu qalliinka ka sokayso oo ay foolato waxa jira kuwa inta qalliin loo diyaariyey hadana dhallay  sida xaaska  Jibriil Ibraahim Axmed oo isna Burco ku sugan “aniga(Jibriil) inta  xaaska oo fool ah dhakhtar geeyey ayuu dhakhtarkii igu yiri saacad iyo wax yar haddiibay dhaliwayso waa in la qalaa , waxaan u sheegay inanan haysanin lacagta qalliinka balse waa la igu amray inana meel uun ka raadiyo, markii aan saxeexay in la qalo ayey hadana ii sheegeen  inay dhashay , sidii ayaan ku farxay oo aan kaga badbaaday lacag aan daynsado iyo mid aan dadweydiistaba”.

Dhakhaatiirta  ka shaqeeya cusbitaalada dawliga ah ayaa  ku doodayaan inay dhakhaatiirta eeda lihi ay yihiin kuwa xarumaha gaarka iska leh kuwaasi oo ganacsigooda uga faa’idaysta lacagaha ay ka qaadayaan  haweenkan oo aan doorasho kale lahayn ,

Goobjoognews  sidoo kale waxay la hadalnay dhakhaatiirta xarumaha caafimaadka ee gaarka ah iska leh oo ah kuwan laga cabanaayo ,Dr Maxamed Cismaan oo  xarun caafimaad oo haweenka u gaar ah magaalada Hargeysa ku leh  ayaa ku doodaya in waqtigan caafimaadka dunida oo horumar dhinacyo badan ka gaaray aysan suuro gal ahayn in haweenay foolanaysa la sii fiirsado isla markaana uu caafimaadku doorbidaayo in qallin lagu sameeyo , waxaanu sidoo kale isku difaacayaa in xadiga  qarashka ay dadka qaar ka cawdaan  ay keenayso qalabka goobaha caafimaadka qaarkood yaalla oo qiimiha ay ku soo iibsadeen uu sarreeyo .

Bushro  Cabdilaahi Cali oo Bosaaso ku nool horena qalliinka ula kulantay waxay dhakhaatiirta u soo jeedinaysaa inay masuuliyad iska saaraan arrintan, sidoo kalena haweenka ay ku guubaabinaysaa inay ka taxadiraan in qalliinka ka dib dawooyinka uurka la dagaalamaya ay saamayntooda la socdaan iyaga oo si joogta ah ula xiriiraya xarumaha caafimaadka

marka laga reebo ha lama laba cusbitaal oo magaalooyinka qaar ku yaalla oo hoos taga dawladda Soomaaliya ama maamulada dalka  dhammaan cusbitaaladu waa kuwa gaar loo leeyahay iyaduna waa arrin kale oo doodo in badan ka dhalisa shaqada cusbitaalada iyo siday dadka shacabka ahi iskula jaanqaadi karaan.

W/Q: Cumar Serbiya

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW