U bood dhigaalka

Qamada Midoobay : Rabshaddu Xal Uma ahan Is mariwaaga Siyaasadeed ee Hadda Taagan

Sheeko:Amniga

Qaramada Midoobay ayaa war ka soo saartay xaaladda Magaalada Muqdisho oo saacadihii la soo dhaafay ay ka dhacayeen dagaalo xooggan.

Xafiiska Qaramada Midobay ayaa canbareyay weraradii iyo dagaaladii Shalay illaa xalay ka dhacayay magaalada Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu yiri “Bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxay si aad ah uga walaacsan tahay isku dhacyada ka dhacaya magaalada Muqdisho. Waxaan ku boorrinaynaa dhinacyada oo dhan in ay muujiyaan is xakamayn.

Rabshaddu xal uma ahan is mariwaaga siyaasadeed ee hadda taagan. Waxaan si degdeg ah ugu baaqaynaa dhammaan dhinacyada in ay si dhaqso ah dib ugu bilaabaan wadahadal degdeg ah.”