U bood dhigaalka

Qaraar Ka Dhan Ah Duqeynta Diyaaradaha Kenya Oo Loo Qeybiyay Xildhibaannada Baarlamaanka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaannada baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii caadiga ahaa waxa ay ku yeesheen xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyadoo arrimo badan looga hadlay.

Kulanka baarlamaanka ee maanta waxaa soo xaadirtay 148 mudane, waxaana shir gudoominayay gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka Federaalka Mahad Cabdalla Cawad.

Xildhibaannada baarlamaanka ayaa warbixn dheer waxay ka dhageysteen guddiga gaadiidka iyo garoomada ee baarlamaanka, waxaana ay ka hadleen howlo shaqo oo ay u tageen deegaanno ka mid ah maamulka Koonfur Galbeed, iyaga oo sharaxaad ka siiyay baarlamaanka wixii ay lasoo kulmeen.

Sidoo kale mudanayaasha baarlamaanka waxaa maanta loo qeybiyay qaraar ka dhan ah duqeynta ciidanka Kenya ay ka waddo gobalka Gado.

Waxaa sidoo kale akhrinta koowaad ee baarlamaanka maray hindise sharciyeedka Liiltirka iyo deeqaha ay yeelanayaan siyaasiyiinta oo ay soo diyaariyeen guddiga xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Goobjoog News