U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay: Boko Haram Waxaa Ay Afduubatay In Ka Badan Kun Gabdho

Sheeko:Dalka

Hay’adda UNICEF ee u qaabilsan qaramada Midoobay caruurta ayaa sheegtay maanta oo Jimco ah in dagaalyahannada ururka Boko Haram ay waqooyi bari ee Nigeria ay ku afduubteen in ka badan kun gabdho yaryar ah.

Hay’adda waxaa ay intaas ku dartay in ay diiwaan-gelisay in ka badan kun kiis oo la xiriira arrimaha afduubka Boko Haram,tanina ay tahay markii ugu horreysay oo ay baahiso qadarka tirada ay afduubteen tan iyo sanadkii 2013, waxaa ay intaas ku dartay in tirada saxda ah oo ay afduubteen kooxda ay suuro-galtahay in intaan uu ka badanyahay.

Hay’adda waxaa ay sheegtay in inta uu khalalaasaha uu ka socday Nigeria la dilay 2295 Macallim, halka la burburiyey in ka badan 1400 oo Iskuul.

Goobjoog News