U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Bilaabaysa Ol’ole Taariikhi Ah Oo Daacuunka Looga Ciribtiraayo Gudaha Afrika

Sheeko:Caafimaadka

Qaramada Midoobay iyo isbahaysiga samafalka  Gavi  ayaa Isniintii si wadajir ah ugu dhawaaqay ol’olihii ugu ballaarnaa abid taariikhda inta la ogyahay ee dadka Qaaradda Afrika looga tallaalayo cudurka Cholera, si cudurka loo xakameeyo daafaha kala duwan ee Qaaradda.

Sida ay sheegtay wakaaladda Wararka AFP, isbahaysiga Gavi ayaa sheegay in la tallaali doono ku dhawaad Laba milyan oo qof oo qaadan doona tallaalka cholera-ha, kaas oo ah mid afka laga qaadanayo, waxaa la qaadi doonaan 5 ol’ole oo kala duwan oo ka bilaabmi doono Malawi, Nigeria, South Sudan, Uganda iyo Zambia, ol’olaha waxaa la soo gabagabeyn doonaa dhammaadka bisha June.

Madaxa Gavi oo la yiraahdo Seth Berkley oo bayaan soo saaray ayaa waxa uu yiri: “Waa falcelin aan horey u dhicin oo lagaga jawaabayo xaaladaha faafitaanka cholera ee daafaha kala duwan ee Qaaradda.”

12 Gobol ama Dowladood oo ku yaalla Koonfurta sub-Saharaha Afrika ayaa la dhibaatoonaya faafitaanka cudurka Cholera, waa sida ay sheegeen Gavi iyo WHO.

Maamulaha guud ee WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay “Tallaalka afka laga qaadanayo waa hubkeenna aasaasiga ah ee dagaalka aan kula jirno Cholera-ha”, isagoo carrabka ku adkeeyey iney lagama maarmaanta tahay in la helo biyo nadiif ah, adeegyada kala duwan ee fayadhowr caafimaad, tababaro loo fidiyo dadka caafimaadka ka shaqeeya iyo in lala shaqeeyo bulshada si looga dhowrsado faafitaanka cudur.

Ururka Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegay in Cholera-ha uu haleelay 1,3 Milyan ilaa Afar Milyan oo qof, waxaana sababtiisa u geeriyooda 21,000-143,000 oo qof oo intooda badani ay ka soo jeedaan dowaladaha Faqriga ah.

Goobjoog News