U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Cambaareysay Kufsi Soomaaliya Loogu Geystay Gabar.

Sheeko:Dalka

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Maalgelinta Dadweynaha ee UNFPA ayaa cambaareysay kufsi-wadareedkii loogu geystay gabar sagaal jir ah magaalada ku taalla bartamaha Soomaaliya ee Buula-burde oo 425Km uga beegan dhinaca galbeed magaalada Muqdisho.

Wakiilka UNFPA ee Soomaaliya Anders Thomsen ayaa ku baaqay in lagu sameeyo baaritaan degdeg ah dambiga laga galay gabadha yar. “Si adag ayaan u cambaareyneynaa falkaan murugada leh waxaana xaqiijineynaa inaan barbar taagannahay dowladda iyo dadka Soomaaliyeed si loo xaqiijiyo in xadgudubyada ka dhanka ah haween la ciribtiro,” ayuu ku yiri Thomsen warbixin uu ka soo-saaray Magaalada Muqdisho.

Wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay hubiso oo ku dadaasho sidii ay u heli lahayd tillaabooyin lagu ilaalinayo gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed.

Sida lagu sheegay warkaan kasoo baxay UNFPA, xadgudubyada jinsiga ee haweenka lagula kaco waa mid aad u halis ah oo lagu waxyeeleynayo xuquuqda gabdhaha iyo haweenka Soomaaliyeed.

Gabadhan oo magaceeda la qariyey ayaa loo qaaday isbitaal kaddib markii si fool xun loogu kufsday magaalada Buula-burde. Qoyska gabadha ayaa dalbanaya inay gabadhoodu hesho caddaalad oo dadkii falkaan ka dambeeyey la soo qabto.

Kufsigaan foosha xun ayaa yimid maalin kaddib markii gabar 20 jir ah toorrey lagu dilay woqooyiga magaalada Gaalkacyo ee ku taalla bartamaha Soomaaliya. Bishii March, gabar 12 sano jir ah ayaa meydkeeda laga helay woqooyiga Gaalkacyo kaddib markii la afduubtay, la kufsaday oo la dilay.

(Xinhua/NAN)