U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo ka digeysa musiibo bini’aadannimo oo ka dhacda Soomaaliya

Sheeko:War

Khuburro ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa  ka digay musiibo bini’aadannimo oo ka dhalata abaaro ka dhaca Soomaaliya hadii beesha caalamku aysan si degdeg ah looga hortagin.

Bahame Tom, oo ah khabiir madax-bannaan oo la shaqeeya Qaramada Midoobay ayaa warbixin uu soo saaray  kaga digay in xaaladda cunno-yari ee Soomaaliya ka jirta ay aad u sii xumaaneyso, wuxuuna sheegay sicir barar uu kajiro qeybo badan oo dalka ah.

Warbixintan ay khubaradu  u gudbiyeen  Qaramada Midoobay ayay ku sheegeen in carruur ay tiradooda gaareyso labo boqol oo kun oo ay da’doodu ka hooseyso shan sano ay haatan ku sugan yihiin xaalad nafaqo-darro oo adag, iyadoo 2.9 milyan oo qof oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gargaar degdeg ah.

Wuxuu xusay in colaado muddo dheer soo jiitamay iyo roob la’aan ka dhacday qaybo ka tirsan gobollada Soomaaliya ay horseedeen in raashin yari iyo nafaqo-darro.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa kal hore ku dhawaaqday in toddobo gobol oo ka tirsan dalka ay ka jirto abaar, iyadoo sidoo kale Hay’adaha samafalka ay muddooyinkii dambe sheegayeen in loo baahan yahay lacag dhan 663 milyan oo doollar si si degdeg ah wax looga qabto xaaladaha sii xumaanaysa ee ka jira Soomaaliya.