U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Ka Walaacsan Xaaladda Ay Ku Noolyihiin Dadka Ku Dhaqan Baardheere Iyo Diinsoor

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa ka hadashay xaaladda ay ku sugan yihiin shacabka ku dhaqan degmooyinka Diinsoor iyo Baardheer, ka dib dhawana markii degmooyinkaasi lagala wareegay Al-shabaab.

Peter De Clercq oo ah xiriiriyaha gargaarka Bini’aadannimo ee Qaramada midoobay ayaa ka warbixiyay safar uu ku tagay degmooyinkaasi, waxaana uu sheegay in xaalad adag uu kusoo arkay.

Shacabka ku dhaqan Baardheere iyo Diinsoor ayu sheegay in ay yihiin kuwo u baahan gurmad dhan walbo leh, maadaama Sanadooyin badan aysan helin gurmad.

Peter ayaa sheegay in uu kula soo kulmay degmooyinkaasi qeybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana ay uga xog warameen xaaladooda nololeed.

Waxyaabaha hadda ugu muhiimsan ee dadkaan u baahan yihiin ayuu sheegay inay ka mid yihiin, Raashiin, Waxbarasho iyo sidoo kale goobaha caafimaadka.

Degmooyinka Diinsoor iyo Baardheere ayaa ka kala tirsan gobalada gedo iyo Bakool, waxaana dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Goobjoog News