U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Ku Baaqday In Si Deg-deg Ah Loo Bilaabo Wadahadalada Doorashada

Sheeko:Amniga

Xoghayaha guud ee Qaramada Midobaya Antonio Guterres  ayaa soo dhaweyay Go’aankii xukuumadda loogu warejiyay Hirgelinta doorashada iyo heshiiskii 17 September .

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midobay ayaa lagu yiri “Xoghayaha Guud wuxuu soo dhaweynayaa go’aanka Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka uu ku ansixiyay ku laabashada Heshiiskii Doorashooyinka ee 17-kii Sebtember.”

Bayaanka ka soo baxay Afhayeenka Xoghayaha Guud ayaa sidoo kale lagu sheegay in  sheegay inuu Antonio Guterres ugu baaqay daneeyayaasha siyaasadda Soomaaliya in ay si deg deg ah u bilaabaan wadahadalada doorashada, si isgarad loo gaaro .

“Xoghayaha guud wuxuu mar kale ku celinayaa baaqii uu ujeediyey dhamaan daneeyayaasha Soomaaliyeed in ay si deg deg ah dib ugu bilaabaan Wadahadalkii isla markaana ay abuuraan heshiis la isku afgarto oo ku saabsan qabsoomida doorashooyin loo dhan yahay” ayaa lagu yiri Qoraal ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midobay Stéphane Dujarric.