U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Ay Kasii Darayso Xaaladda Bini’aadanimo Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

UNPhilippe Lazzarini, oo ah isku-duwaha  Qaramada  Midoobay Arrimaha Bini’aadanimo ee Somaaliya ayaa ka digay in xaalada bini’aadanimo ee Somaaliya ay si weyn uga sii dari doonto sanadkan, waana digniintii ugu horeysay ee uu soo saaro tan iyo markii ay dhammaatay macluushii ka dhacday dalka sanadkii 2011kii.

Xaalada bini’adanimo ee dalkan ku yaala geeska Africa waa mid sii xumaaneysa kadib markii ay is-biirsadeen qilaaf, abaaro, daadad, iyo qiimaha raashinka oo sare u kac ku yimid iyo weliba hay’adihii gar-gaarka oo aysan u sahlaneyn iney gar-gaar bini’aadanimo gaarsiiyaan dalka, sidaana waxaa saxaafada u sheegay afhayeenka qaramada midoobay ninka lagu magacaabo Stephane Dujarric oo markaasi soo xiganaya Philippe Lazzarini oo ah isku-duwaha  Qaramada  Midoobay arrimaha bini’aadanimo ee Soomaaliya.

Stephane Dujarric wuxuu intaas ku daray in ka badan 3 million oo Soomaali ah ay u baahan yihiin gar-gaar bini’aadanimo oo deg-deg ah waxaana dadkaas gar-gaarka u baahan ka mid ah 1 million oo qof kuwaasoo aan xataa heli Karin baahida maal-meed oo ay u qabaan iney helaan raashin ku filan.

Stephane Dujarric oo ah afhayeenka qaramada midoobay  wuxuu intaas ku daray in hay’adaha samafalku ay u baahan yihiin lacag gaareysa 863 million oo lacagta mareykanka ah si loogu caawiyo dad ka badan 2.7 million oo Soomaali ah sanadka soo socda.

Horraantii sanadkan qaramada midoobay waxay sheegtay in roob xumida, sare u kaca qiimaha raashinka iyo qilaafka sii socda inuu soomaaliya dib ugu celin karo xaalad bini’aadanimo waxayna qaramada midoobay ka digtay haddii aan la helin tillaabo deg-deg ah oo arrintan laga qaado in xaalada bini’aadanimo iyo raashin yaridu ay kasii dari doonto bilaha soo socda.

Somalia waxaa hareeyey qilaaf siyaasadeed oo dhinacyo badan leh waxaana xaalada dalka uga sii daray dagaalo wejiyo badan kuwaasoo keenay in wadanka ay ka dilaacdo xaalad bini’aadanimo oo aad u adag

 

Goobjoog News