U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Ay Korortay Tirada Dadka Ku Sugan Xaaladda Cunto La’aanta Ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Natiijooyinkii Daraaseynta haqab beelka cuntada iyo naqafaqada Soomaaliya oo maanta lagu soo bandhigay magaalada Muqdisho ayaa muujinaya in xaaladda Bini’aadannimo ee dalka weli tahay mid adag, marka loo eego sidii ay xaaladdu ahayd Lix Bil Kahor.

Tirada dadka ay soo wajahday dhibaato cunto ama xaalad degdeg ah ayaa korortay 17%, taasi oo horay u ahayd 731,000 oo hadda noqotay 855,00.

Tirada dadka ku sugan xaalad cunto oo shideysan ayaa ah mid aan isbedalin, waana 2.3 Milyan.

Xaaladda sii xumaatay waxa ay sababta in dhul aan yareen ay roobabkii gu’a ka joogsadaan goor hore, taas oo ay ka dhalatay in badarka soo go’ay uu ka yaraado celcelis intii horay usoo go’i jirtay, waxaana warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay Lagu Sheegay in wadar ahaan 3.1 Milyan qof ay u baahanyihiin gargaar cunto.

Xiriiriyaha howlaha Bini’aadannimada ee Qaramada Midoobay Peter de Clercq ayaa sheegay in heerka haqab beel la’aanta cuntada iyo heerarka nafaqo xumada ay yihiin kuwo ba’an, waxaana uu sheegay in dad badan oo ku sugan degmada Baardheere iyo meelo ka mid ah Soomaaliya ay hadda xaaladoodu tahay mid aad u liidata.

“Waxan tagnay Diinsoor iyo Baardheere markii ay saxaafadda tagtay ka dib, waan soo aragnay wixii meesha ka jiray, waxaan kusoo aragnay baahida ka jirta, Iskuullo inaysan jirin caafimaadna uusan jirin, dabcan waxaa inaga go’an in meelahaasi aan kaalmo ka bixinno”

In ka badan 3 meelood 2 ama 68% dadka ay haystaan dhibaatooyinka ama xaaladaha degdega ah waa dad gudaha ku barakacay, gaar ahaan dadkaan oo ay ka mid yihiin kuwo banaanka u yaalla xad gudubyo baahsan oo xuquuqda Bini’aadannimada la xiriirta, ayaa haqab beel la’aanta cuntada waxa ay uga sii daraysaa walwalka laga qabo badqabkooda, taasi oo si joogta ah uga dhalaneyso in caruurta lagu shaqeysto , inay kororto xadgudubyada Galmada iyo tan ku salaysan jinsiga.

In ka badan 2,500  oo caruur da’doodu ka yartahay 5 sano ayaa waxaa haysto nafaqo xumo.

Qoraal kasoo baxay xafiiska arimaha Bini’aadanimada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ay u badan tahay, haqab beel la’aanta cuntada ay sii xumaato iyo in tirooyinka nafaqa darada sii kororto 50%, kahor inta aanu sanadkaan dhamaan, waxaana arintaan la sheegay in saameyn ballaaran ku yeelan karto wax soo saarka beeraha.

Sidoo kale Qoraalkaan kasoo baxay Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in laga yaabo inay xumaato cimilada, taasi oo ka dhalan karta cimilada loo yaqaan El Nino, keeni kartana in roobab wata fatahaad ay ku yimaadaan Wabiga Shabelle iyo Jubba, kana dhashaan daadad xoogan.

Goobjoog News