U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay In Dalka Myanmar Ay Ka Qaxeen 270 Kun Oo Muslimiin Ah

Sheeko:Dalka

Hay’adda qaxootiga adduunka ee raacsan qaramada midoobay ayaa sheegtay in 270 kun oo muslimiinta Rohingya ay u carareen dalka Bangladesh iyaga oo ka cabsanaya xadgudubyada ka socda Myanmar intii lagu guda jiray labadii todobaad ee la soo dhaafay.

Hay’adda ayaa waxa ay caddeysay inay kordheen tirada dadka qaxootiga ah .

Afhayeen u hadlay hay’adda ayaa waxaa uu sheegay in tirada muslimiinta ah ee Rohingya ay u baxsadeen dhanka Bangladesh tan iyo markii dalkaasi ay ka bilowdeen xadgudubyada ka dhanka ah Muslimiinta.

Mas’uulka u hadlay hay’adda qaxootiga aduunka waxaa uu tilmaamay inay dadka gaar siin doonaan kaalmooyin isaga oo intaas ku daray in dhibaatada ka jirta dalka Myanmar lagu xaliyo si dhaqso ah.

Dhanka kale Myanmar waxaa ka qaxay dad aan muslimiin aheyn kuwaas oo gaaraya 30 kun oo qof markii ay guryahooda ay ku burbureen xiisadda ka jirta.

Myanmar waxaa ku nool ku dhawaad 1.1 milyan waxaana lagu hayaa cadaadis iyo caburin .

Goobjoog News