U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Sheegtay Inay Ballaarineyso Gargaarka Ay Ka Waddo Siiriye

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in ay qorsheeneyso ballaarinta gar gaarka Bini’aadannimo oo ay ka waddo dalka Siiriya Shanta maalin ee soo socota, kuwaas oo la gaarsiindoono dad gaaraya 150,000 oo ruux oo ku nool goobo la go’doomiyey.

Qaramada Midoobay ayaa dhinaca kale xustay in ay hadda diyaar u tahay caawinta dad lagu qiyaasay 1.7 million oo ay qaarkood adagtahay in la gaaro, qorshaha ayaa ah in dadkaa la caawiyo kahor dhammaadka bisha Maarso ee billaabaneysa Todobaadkan gudahiisa.

Xabad joojin ayaa ka dhaqan gashay dalka Siiriya meello badan oo ka mid ah maalintii Sabtida inkastoo Labada dhinac ee dowladda iyo mucaaradkuba isku eedeynayaan Jabinta xabad joojintaa.

Mucaaradka ugu weyn dalka Siiriya mas’uuliyiin u hadlay waxa ay sheegeen in hadda xaaladdu wanaagsan tahay marka loo eego sidii ay ahaan jirtay.

Madaxa isku duba ridka gargaarka bini’aadannimo ee Qaramada Midoobay ee dalka Siiriya Yacoub el-Hillo, ayaa ku tilmaamay joojinta kooban ee colaadda dalka Siiriya fursaddii ugu wanaagsaneed ee shacabka Siiriya soo marta muddo Shan sano ah.

Ururada qar gaarka bixiya ayaa ku tartamaya in ay ka faa’iideystaan xasilloonida kooban ee Siiriya ka hirgashay iyaga oo isku dayaya in ay gaarsiiyaan shacabka tabaaleysan biyo, cunno iyo dawo, meelaha ugu daran ee xaaladda bini’aadannimo ay ka taagan tahay waxaa ka mid ah magallada Madaya, oo ay dadku billaabeen in ay gaajo u geeriyoodaaan.

Goobjoog News