U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Soo Saartay Warbixin Ku Saabsan Gabood Fallada Ciimadoodu Geystaan Iyo Dalalka Ciidamadaasi

Sheeko:Dalka

Qaramada Midoobay ayaa soo saartay warbixin dheer oo ku saabsan gabood fallada ay ciidamadooda nabad ilaalinta ah u geystaan dadka shacabka ah.

Gabood falladaan ayaa waxaa ka mid ah Kufsi, jirdil iyo tacaddiyo kale oo loo geysto shacabka ku dhaqan dhulalka ay ciidamadaasi ka howlgalaan.

Warbixintaan oo ah tii ugu horreysay ee cadeynaysa dalalka ay kasoo jeedaan askar lagu eedeeyay gabood falladaasi ayaa waxaa lagu sheegay  99 eedeymo in la diiwaan geliyay sanadkii 2015 waxaana 52 ka mid ah ay dhaceen sanadkii 2014.

69 ka mid ah falalkaan ayaa ah kufsi ka dhacay 9 xarumood oo hadda ciidamada ka howlgalaan iyo mid la xiray oo ku kala yaalla 21 wadan.

“Gabood fallada waxaa ka mid ah 15 fal oo ay geysteen shaqaale u shaqeeya Qaramada Midoobay kuwaa oo isugu jira kuwo iskaa wax u qabso ah howlwadeenno kale halka 38 ka mid ah falalkaasi kor lagu xusay ay geysteen ciidamo Milatari ah iyo kormeerayaal Milatari oo ka socda Qaramada Midoobay iyo 16 ay geysteen Booliiska ka socda Qaramada Midoobay” ayaa lagu yiri warbixintaan oo Qaramada Midoobay ay soo saartay Jimcihii.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu sheegay in ciidamada falalkaasi geystay ay ka socdeen dalal badan, waxaana ay kaalmaha u kala galeen:-

DRC Congo oo ciidamada ka socda lagu sheegay inay galeen 7 kiis

Maroko ciidamada ka socda waxay galeen 4 kiis

South Africa oo ciidamada ka socda iyagana waxaa la sheegay inay galeen 4 kiis.

Wadamada kale ee warbixintaan lagu sheegay ayaa waxaa ka mid ah Cameron,  Congo, Tanzania, Benin, Burkina Faso, Burundi, Gabon, Niger, Nigeria, iyo Togo.

Wadamada Booliskooda la eedeeyay waxaa ka mid ahaa Rwanda, Ghana, Madagascar, Senegal.

Sidoo kale warbixintan ayaa lagu xusay wadamada ay ciidamada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ka geysteen gabood fallada kuwaasi oo kala ah:- Afrikada dhexe, Drc Congo, Ivory coast, Mali.

Goobjoog News