U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Walaac Ka Muujisay Go’aan Dowladda Soomaaliya Ay Qaadatay

Sheeko:Amniga

Ergayga xoghayaha guud ee qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in ay aad uga xun yihiin go’aanka dowladda Soomaaliya ku diiday ergaygii midawga Afrika dhawaan u soo magacaabay .

James Swan oo khudbad dhinacya badan taabaneysa ka hor jeeydiyay shirka golaha Ammaanka qaramada midoobay, kaas oo looga hadlayay xaaladda doorashooyinka iyo bini aadanimada Soomaaliya ayaa sheegay in ay walaac iyo wal wal xoogan ay ka qabaan go’aanka dowladda Soomaaliya ku diiday madaxweynihii hore ee Ghana John Mahama oo midawga Afrika u soo wakiishay Soomaaliya .

“Waxaa si weyn uga qoomameyneynaa go’aanka dowladda Soomaaliya ay ku diiday ergeygii Midowga Afrika usoo magacaawday Soomaaliya,” ayuu yiri James Swan.

Madaxweynaha midawga Afrika Felix-Antoine Tshisekedi, ayaa John Mahama u soo magacabay in uu kala dhex galo dhinacyada isku haysto siyaasadda Soomaaliya kadib markii madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullahi Farmaajo ka codsaday in la soo kala dhex galo isaga iyo midawga Musharixiinta .

Xubnaha Midawga musharixiinta ayaa soo dhaweyay John Mahama , iyadoo xukuumadda Soomaaliya ay ku eedeysay in uu xiriir dhaw la leeyahay Kenya oo ay Soomaaliya is hayaan .

Goobjoog News