U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo War Kasoo Saartay Qaraxii Liido Ka Dhacay

Sheeko:Amniga

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa war kasoo saaray qarax habeenimadii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaas oo lagu qaaday maqaayad ku taallada xeebta Liido, waxaana qoraal kasoo baxay xafiiska UNSOM lagu camaabaayey qaraxa oo lala eegtay maqaayadda xilli uu ku sugnaa Taliye Xijaar.

“Qaramada Midoobay ee Soomaaliya waxaa ay cambaaranaysaa weerarkii argagixiso ee dadka badan ay ku dhinteen ee Jimcihii ka dhacay maqaayad ku talla xeebta Liido ee Muqdisho, kaas oo dhacay xilli ay dadku ka afureen Ramadaan. Waxaana tacsi u diraynaa ehelada dadkii ku dhintay, waxaan u rajaynaynaa caafimaad deg deg ah kuwa dhaawacmay” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska UNSOM ee Soomaaliya.

Qaraxa ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa fuliyay qof naftiis hure ah, kaas oo xirnaa Jaakad lagu xiray walxaha qarxa, waxaana lala eegtay maqaayadda xilli uu ku sugnaa taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Jiraar, waxaana la sheegay inuu xilga qaraxu dhacay uu shir la lahaa reerka uu ka dhashay sida wararku sheegeen.

 

 


Community Verified icon