U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Warbixin Kasoo Saartay Dagaalka Laascaanood

Sheeko:Amniga

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool oo ay wali ka dhacayaan dagaallada u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo xoogga deegaanka ayaa waxaa jira in daalka uu si toos ah iyo dadban u saameeyay shacabka magaalada, kuwaas oo isaga baxay inta badan iyagoo gaaray deegaannada Puntland iyo dowlad deegaanka Somalida.

Hey’adda Qoxootiga u qabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR ayaa sheegtay in tobannaan kun oo rayid ah oo ka barakacay dagaalka ka dhacay magaalada  ay ka gudbeen xadka loogu tallaabo dhinaca Itoobiya ka dib markii uu bilowday, xilliga wali dagaal xooggan ay isaga soo horjeedaan maalintii 17-aad ciidamada iyo xoogagga deegaanka ee SSC.

Tirada dadka ka barakacay magaalada Laas Caanood ee gaaray deegaanka Doole ee dalka Itoobiya ayaa laga yaabaa in ay gaari karto ilaa 80,000 oo qof, sida ay sheegtay hay’adda arrimaha qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay ee UNHCR, maadaama dagaalka iyo madaafiicda ay socdaan, kuwaas oo ku dhacaya guryaha dadka Rayidka ah.

Isbuucii lasoo dhaafay ayey Qaramada Midoobay sheegtay in dad lagu qiyaasay 1,000 qof ay maalin walba u tallaabayeen dhinaca Itoobiya tan iyo markii uu dagaalku bilowday, 17 maalin ka hor, waxaana ay gaarayaan deegaanno markii horeba abaartu siweyn u saameysay marka la eego dowlad deegaanka Soomaalida, taas oo xaalka sii adkeyn karta.

Arrintan ayaa sare u qaadday baahida gargaarka bani’aadannimo ee ka jirta deegaannada lagu martigeliyay dadka barakacay oo markii horeba ka mid ahaa meelaha ay saameynta ugu ba’an ku yeelatay abaarta ku dhufatay Bariga Africa, maadaama aysan di’in roobabkii xilliyada sanadka, iyadoo hadda lagu jiro waqtiga Jiidaalka oo abaar baahsan ay jirto.

Dagaalka u dhaxeeya xooggaga ku loolamaya gacan ku haynta  Laas Caanood oo socday labadii isbuuc ee lasoo dhaafay ayaa sababay dhimashada in ka badan 100 qof iyo dhaawaca tiro kale, sida laga soo xigtay isbitaallada gudaha ee la gaarsiiyay dadka Rayidka ah ee wax ku noqday dagaalka magaalada ka socda oo 17 maalin aan lagu kala adkaan wali gudaha.

Madaxda ugu sareysa dowladda Federalka ayaa siyaabo kale duwan uga hadlay xaaladda magaalada Laascaanood, iyagoo xusay in aan la aqbali karin duqeymaha ay sameynayaan ciidanka Somaliland, golaha shacabka ayaa maalintii shalay aheyd waxaa guddoomiye Aadan Madoobe loo gudbiyay Moowshin ka dhan ah xaaladda magaalada Laascaanood.

Goobjoog News