U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay Oo Xaqiijisay In Ciidanka Kenya Ay Weerareen Shirkadda Hormuud

Sheeko:Amniga

Warbixin cusub oo ay soo-saareen baareyaasha gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in militeriga Kenya ay mas’uul ka yihiin 5 weerar oo loo geystay shirkad isgaarsiin oo ku taalla waddanka Kenya deriska la ah ee Soomaaliya iyo waliba duqeymo lala eegtay goobo ay deggan yihiin dad rayid ah iyadoo halkaas lagu dilay laba qof.

Ciidanka Kenya ayaa weeraray qalab shirkad isgaarsiin oo Soomaaliyeed intii u dhaxeysay 2017 illaa 2019 iyadoo ujeedku ahaa in isgaarsiinta laga jaro xarrakada Alshabaab kuwaas oo damacsanaa inay qaraxyo fuliyaan, waa sida quburo amni ay ku sheegeen warkii ugu dambeeyey ee kasoo baxa kuwaas oo u gudbiyey golaha ammaanka isniintii.

Kooxdan quburada ah kuwaas oo dabagal ku sameeya cunna-qabateynta saaran Soomaaliya ayaa sheegay inay heleen warar sheegaya in ciidanka Kenya ay weerareen 12 taawar oo ay leedahay shirkadda isgaarsiinta ee Hormuud ee saldhiggeedu yahay magaalada Muqdisho.

Quburadan dhanka amniga ah waxay sheegeen inay si madax bannaan u xaqiijiyeen shan weerar oo ka dhashay dhimashada laba qof oo shacab ah sida guddiga cunna-qabateynta ee Qaramada Midoobay ay xaqiijiyeen.

Qof waardiye ah iyo qof kale oo ay qaraabo yihiin ayaa ku dhintay duqeyn ay ciidamada Kenya u geysteen xarun ay leedahay shirkadda isgaarsiinta Hormuud bushii July 2018 sida warka kasoo baxay guddigan Qaramada Midoobay lagu sheegay.

Ciidamada dalka Kenya dhankooda wey iska fogeeyeen ku lug lahaanshaha weerarradan intii lagu guda jiray shir ay la lahaayeen quburo ka socotay Qaramada Midoobay.

Goobjoog News