U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: 5 Milyan Oo Soomaali Ah Ayey Heysaa Cunno Yari

Sheeko:Dalka

Warbixin ay talaadadii soo saartay hey’adda qaramada midoobeyayaa  waxaa lagu sheegay in ilaa 5 Milyan oo Soomaali ah ay heyso cunno yari ba’an, tiradan oo ah mid aad u badan.

Dadkan dhibaateysan oo lagu qiyaasay 40% tirada guud ee dalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa in 300,000 oo ka mid ah ay yihiin caruur da’dooda ka yar tahay 5 sano, waxaa kaloo la sheegayaa in 50,000 kale oo caruur ah la ildaran yihiin nafaqa darro iyo dhibaatooyin kale

“Xaaladda waa mid khatar ah, waxaa ayna imaneysaa iyaddoo lagu jiray waqti ay jiraan dhibaatooyin badan sida abaar, khataro ka imaanaya daadad iyo dib u soo celinta qaxootiga” sidaa waxaa lagu sheegay warbixinta.

Qaramada Midoobey waxaa ay warbixintan ku sheegtay in ilaa 300,000 oo dad ahi ay cunto la’aan heysay  laga soo bilaabo February 2016-kii, welina ay heyso.

Dhinaca kale iskuduwaha gargaarka Banii’aadanimo ee hey’adda Peter de Clercq ayaa sheegay in hadda  lagu baxsado hey’adaha gargaarka oo qoysas badan ka caawiya dhanka cuntada balse ay dhibaatada intan ka sii darnaan laheyd hey’adahaas la’aantood.

Qaxooti badan oo Soomaali ayaa dalka dib ugu soo laabtay kuwaas oo la sheegayo in dhibaato ku heysato gudaha Soomaaliya, qaxootigan oo intooda badan ku noolaa xeryaha Dhadhaab iyo Kakuma ayaa hadda ku jira xeryaha barakacayaasha ee ku yaalla gudaha Soomaaliya.

Sida ay qoreen hey’adaha  FAO, FSNAU iyo FEWSNET, in ka badan  1.1 million oo dad ah ayaan heysan nolol maalmeedka halka 3.9 million oo Soomaali ah ay u baahan yihiin in laga taageero dhanka abuurka iyo caafimaadka xoolaha.

Goobjoog News