U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Al-shabaab Sanadkii $3 Milyan oo Canshuur Ah Ayey Ka Qaadaan Dekadda

Sheeko:Amniga

Warbixin ay soo saareen khubaro ka tirsan qaramada midoobey ayaa lagu sheegay in xarakada Al-shabaab ay $3 milyan oo canshuur ah sanadkii ka hesho dekadda magaalada Muqdisho.

Warbixin oo la hordhigay golaha ammaanka ee qaramada midoobey waxaa ku xusan in akoon Al-shabaab uga furan mid ka mid ah bangiyada Muqdisho ay ugu dhacaan canshuurta iyo zakawaadka. 4-tii bil ee lasoo dhaafay waxaa la dhigay $1,198,933, lacagtaas oo loo dhigay qaab Mobil ah, si cash ah ama xawaalad.

Sida ku qoran warbixinta, Al-shabaab oo ka faa’ideysaneysa awood darida hey’adaha maaliyadeed ee dalka ka jira ayaa June keliya waxaa ay Mobil-ka lacagta la isugu diro ku heshay $50,000  halka akoonada kale lacag ka timid lagu qiyaasay ilaa $1 million, lacagtaas waxaa bixiyey ganacsatada dekadda, kuwa maraakiibta soo rarta iyo gawaarida xamuulka ah.

Dhanka kale, sida UNKa ay sheegayaan Al-shabaab waxaa ay Zakawaat ka qaadaan ganacsatada iyo goobaha iyaga oo May ilaa bartihii July ee sanadkan helay lacag dhan  $1.7 million hal qof ayaa bixiyey $300,000.

Waxaa isla warbixinta la horgeeyey golaha ammaanka ku jirta in Al-shabaab ay lacag canshuur ah ka qaadaan ganacsatada Kismaayo, tusaale ahaan kuwa jumlada waxa ay bixiyaa $600  halka tafaariiqda bixiyaan $300, lacagta bixintuna waa qaabka dirista Mobilka.

Goobjoog News