U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Daacish Weli Waa Joogaan Ciraaq Iyo Suuriya, Al-Qaa’idana Soomaaliya iyo Yemen

Sheeko:Dalka

Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in unugyo ka tirsan Daacish ay weli ka howl-galaan qeybo ka mid ah Ciraaq iyo Suuriya.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in keliya kooxda Khaalid Bin Waliid ay gaarayaan 700 illaa 1,500 oo dagaal-yahan, kuwaas oo ku firfircoon bariga webiga Furaat.

Waxaa kale oo warbixinta ku jirta in jabhadda Al-nusra oo ka tirsan Al-qaa’ida ay weli heystaan dagaal-yahanno gaaraya 7,000 illaa 11,000.

Daacish oo lumisay dhul badan oo ka tirsan Ciraaq iyo Suuriya ayaa hadda xoogga saareysa in ay yeelato shabakad dagaal-yahan oo caalami ah, xataa xubno Daacish ka tirsan waxba kama qabaan in ay xiriir la yeeshaan Al-qaa’ida.

Warbixintan oo golaha ammaanka loo gudbiyay talaadadii, waxaa lagu sheegay in Daacish aaney hadda qabsan Karin dhul balse weerar geysan karto.

Afrika, warbixinta waxaa lagu sheegay in sanadkii hore ay Daacish dhaq-dhaaqyo ka sameysay gudaha Soomaaliya balse Al-shabaab oo al-qaa’ida xiriir leh aaney ogoleyn joogitaanka Daacish.

Dadaallo waxaa jira lagula dagaalamayo Daacish sida isbaheysi 41 dal ah oo lagu dhisay shir lagu qabtay Sacuudiga November 2017-kii.

Goobjoog News