U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey iyo Midoowga Yurub oo ugu Baaqay Ra’isulwasaare Cumar in uu Soo Dhiso Xukuumad Wadaag ah

Sheeko:Dalka

UN and EUQaramada Midoobey iyo Midoowga Yurub ayaa so dhaweeyey ansixinta Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke, waxayna ku baaqeen in Cumar uu soo dhiso xukuumad tayo leh, islamarkaasina dadka oo dhan ay ka wada dhex muuqdaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Banki Moon ayaa u hambalyeeyey Cumar Cabdirishiid, afayeen u hadlay xoghayahana waxa uu sheegey in Banki Moon uu codsaday in lasoo dhiso xukuumad wadaag ah.

Waxa kale oo uu xoghayaha sheegey in dhamaan dhinacyada ay ka wada shaqeeyaan sidii Soomaaliya u gaari lahayd nabad iyo isbadal siyaasadeed, islamarkaasina dhinacyada u noqon lahaayeen kuwa wada shaqeeya. “Waa in ay sii labo jibaaraan dadaalkooda ah in la dhameeyo qalalaase siyaasadeed oo markale soo laabta” ayuu yiri afayeenka Ban Ki Moon.

Cumar Cabdirishiid ayaa loogu baaqay in wadashaqayn dhow uu la yeesho maamul goboleedyada dalka ka jira.

Dhanka kale Midoowga Yurub ayaa ku baaqey in dhinacyada ay ka wada shaqeeyaan sidii Soomaaliya loo gaarsiin lahaa hiigsiga 2016.

Waxa uu Midoowga Yurub intaasi ku darey in xukuumadda uu soo dhisayo Cumar Cabdirishiid ay noqoto mid kasbata kalsoonida shacabka.

Shalay oo arboco ahayd ayaa codka kalsoonida lagu meelmariyey Ra’isulwasaare Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke.

Goobjoog News