U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Oo Ka Hadlay Dhibaatada Djibouti iyo Eritrea  

Sheeko:Dalka

Afhayeenka  xogheyaha guud ee qaramada Midoobay ayaa sheegaya in dhibaatada ka socota Djibouti iyo Eritrea  ay ka dhalatay Xiisadda Khaliijka, isaga oo tilmaamay in uu rajo ka qabo in dowladaha Khaliijka ay u midoobaan dhibaatooyin soo wajahaya.

Hadalka ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa waxa uu imaanayaa xilli ciidamada nabad ilaalinta dowladda Qatar ay kala baxday xadka u dhaxeeya dowladaha Jabuuti iyo Eretariya.

Todobadii bishaan ayaa war ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee dowladda Djibouti waxaa lagu sheegay in Jabuuti ay hoos u dhigtay Diblomaasiyaddii kala dhaxeysay dowladda Qatar, waxayna sheegtay in ay garab taagantahay isbaheysiga la dagaalanka argigixisada ee carabta.

Dhinaca kale, Moussa Faki Mahamat oo ah madaxada Midowga Afrika ayaa sheegay in  Ambassador Idris Farah u sheegay in ururkooda uu Djibouti u diri doono wafdi soo baara dhibaatada meesha ka jirta.

Goobjoog News