U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Lacagta Aan Ku Bixinno La Dagaallanka Burcad Badeedda Ayaa Xoojisay Amniga Soomaaliya

Sheeko:Amniga

Qaramada Midoobey waxaa ay sheegtay in sanduuqa ka hortagga burcad-badeedka oo jiray tan iyo  2011 uu xoojiyay wax ka qabashada amniga badda ee Soomaaliya iyo galbeedka badweynta Hindiya.

Jaime Serpanchy, oo ah xogheyaha guud ee QM u qaabilsan barnaamijka la dagaalanka burcad badeedda ee loo yaqaano UN Counter Piracy Trust Fund (CPTF), ayaa jimcihii sheegtay in taageerada la siiyay dalalka geeska Afrika ay wax badan ka qabatay in horumar laga gaaro dambiyadii la xiriiray burcad badeedka iyo afduubka maraakiibta.

“Muhiimadda 1aad ee sanduuqa waa inuu dalalka geeska Afrika ka taageero sidii looga hortagi lahaa burcad badeedda, arrintaas oo lagu guuleystay: sidaa waxaa tiri Serpanchy.

“Waxaan taageernaa dalal ay ka mid yihiin Somalia, Kenya, Tanzania iyo Seychelles si ay ula dagaalaan burcad badeedda, innaga oo tababar siinna ciidamada badda iyo booliiska iyo weliba hey’adaha arrimahan ku shaqada leh, ” syey raacisay.

Khamiistii ayey aheyd markii Kenya ay  marti-gelisay shir caalami ah kaas oo ay ka qeyb galeen wufuud ka badan 200 oo ka kala socotay 68 dal, waxaana xoogga lagu saaray sidii loo heli lahaa istaraatiijiyad lagu cirib tiro burcad badeedda Soomaalida.

Goobjoog News