U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey: Maamulka Suuriya Labo Mar Ayuu Hubka Kiimikada Adeegsaday

Sheeko:Dalka

Warbixin ay soo saartay qaramada midoobey waxaa lagu sheegay in maamulka Asad uu labo mar adeegsaday hubka Kiimikada labadii sano ee la soo dhaafay.

Hubkan ayaa la sheegayaa in loo adeegsaday Magaalada Idlib bilihii Abril 2014-kii iyo March 2015-kii, arrintaas oo sida la sheegay ka hor imaaneysa ballantii maamulkaas uu ku qaaday in uu hubka burburiyo sanadkii 2013kii.

Qaramada midoobey ayaa lagu wadaa in todobaadka soo socda ay ka doodo warbixintan, iyadoo la sheegay in kadib dadka loo fasixi doono in ay arkaan.

Goobjoog News