U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey oo Ka Hadashey Xaaladda Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya

Sheeko:Dalka

xuquuqda aadanahaKhabiirka Madaxabanaan ee xaaladda xuquuqul insaanka Soomaaliya, Mudane
Bahame Nyanduga, ayaa maanta soo gebogabeeyay safarkiisi shaqo ee ugu
horreeyay oo uu ku tegay Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Mudane Nyanduga, oo Golaha Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Mudoobay uu
magacaabay, ayaa loo xilsaaray inuu ku taageero Dowladda Federaalka
Soomaaliya (DFS) horumarinta tayada iyo kaalmo farsamo oo ah dhinaca
xuquuqda aadanaha.

Intii uu booqashada ku guda jiray, Khabiirka Madaxabanaan wuxuu Dowladda
Federaalka ku amaanay meelmarinta Qorshe Howleedka Qaran ee
la-dagaallanka xadgudubka galmada. Wuxuu sidoo kale ku bogaadiyay
Dowladda horumarka tartiib-tartiibka ah ee xaaladda siyaasadda iyo
amniga, hanaanka socda ee lagu dhisayo maamul-goboleedyada federalka,
iyo tallaabooyinka nabadaynta iyo xasilinta goobaha dhowaan la xoreeyay,
kuwaas oo dhamaantood ah tallaabooyin muhiim u ah gaarista Aragtida
2016.

Mudane Nyanduga wuxuu walaac ka muujiyay caqabadaha xagga tayada iyo
dhaqaalaha ee hakinaya horumarka xoojinta hay’adaha garsoorka,
caqabadahaas oo kaalin ka qaatay inay ballaarato kaalinta maxkamadaha
milatariga oo maxkamadeeynaya dad rayid ah. Wuxuu sidoo kale ugu baaqay
Dowladda inay ka soo baxdo ballanqaadki ay gashay oo ahaa inay hakiso
adeegsiga ciqaabta dilka ah, kana mid ah hanaanka Dib-u-eegista
Xilliyeysan ee Caalamiga ah. Iyadoo taa la eegayo, ayuu ku boorriyay
Dowladda Federaalka inay ku dhaqaaqdo wadatashiyo degdeg ah oo lala
sameeyo dadka arrintu khuseyso, kuwaas oo looga dan-leeyahay diyaarinta
iyo soo gudbinta warbixinteeda bisha Oktoobar 2015 si loogu diyaar
garoobo Dib-u-eegista Xilliyeysan ee Caalamiga ah sanadka 2016.

Khabiirka Madaxabanaan wuxuu yiri “Dowladda Federaalka, iyadoo
kaashaneysa beesha caalamka, waxay u baahantahay in loo qoondeeyo
dhaqaale ku filan oo lagu xoojiyo hay’adaha u xilsaaran sarreynta
sharciga iyo in la xaqiijiyo in maamul goboleedyada ku-meelgaarka ah ay
ka faa’iideystaan Heshiiska Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya. Sidoo kale,
Dowladdu waa inay ansixisaa sharciyada muhiimka ah ee xuquuqul insaanka
caalamiga oo ay ka mid yihiin Heshiiska Xuquuqda Caruurta iyo xeerkiisa
ikhtiyaariga ah ee ku saabsan caruurta qeybta ka ah dagaallada hubeysan
iyo Heshiiska Ciribtirka Dhamaan Noocyada Takooridda Ka-dhanka ah
Haweenka (CEDAW).”

“Sidoo kale, waxaan ugu baaqayaa maamullada inay xaqiijiyaan in
warbaahinta loo ogolaado xaqa ay u leeyhiin xorriyadda hadalka iyo sidoo
kale in la xaqiijiyo amniga warfidiyeenada. Islamarkaasna, waxaa waajib
ku ah warbaahinta inay u tebiyaan wararka si xirfad oo mas’uuliyad ku
dheehantahay,” ayuu raaciyay.

Khabiirka Madaxabanaan wuxuu ku boorriyay Dowladda Federaalka inay
xaqiijiso in mabaadi’da iyo halbeegyada caalamiga ah ee xuquuqul
insaanka lagu daro marka la gudbinayo sharciyada kala duwan, oo ay ka
mid yihiin hindise sharciyeedka warbaahinta iyo midka ka-hortagga
argagixisada. Sidoo kale, wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo gudbiyo
hindise sharciyeedka lagu sameeynayo hay’adda qaran ee xuquuqda
aadanaha.

Mudane Nyanduga wuxuu booqday magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo, Garowe
iyo Hargeysa sideedii maalmood ee safarkiisa shaqo uu ku guda jiray
wuxuuna wadahadallo la yeeshay Wasiirka Arrimaha Haweenka iyo
Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee DFS, Xeer-ilaaliyaha Guud iyo madax
kale oo sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya; Hogaamiye
Ku-Xigeenka Labaad ee Maamulka Kumeelgaarka Jubba, Suldaan Cabdulqaadir
Axmed (“Lugadheere”) iyo Wasiirada Maamulka Kumeelgaarka Jubba,
Madaxweynaha Puntland, wasiirro iyo madax sare oo ka tirsan Puntland iyo
Somaliland.

Khabiirka Madaxabanaan wuxuu sidoo kale shirar la qaatay Nicholas Kay,
Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay (SRSG) ahna
Madaxa Howlgalka Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM),
madax ka socotay hay’adaha, sanaadiiqda iyo barnaamijyada Qaramada
Midoobay ee ka hawlgala Soomaaliya iyo weliba hay’adaha aab dowliga
ahayn ee caalamiga ah ee kuwa dalka ka dhisan iyo warbaahinta.

Mudane Nyanduga wuxuu ku talajiraa inuu booqasho labaad ku yimaado
Soomaaliya ka hor inta uusan warbixintiisa iyo talooyinkiisa u gudbin
Golaha Qaramada Mudoobay ee Xuquuqda Aadanaha bisha September 2015, taas
oo looga danleeyahay in lagu kaalmeeyo Dowladda sidi ay u gudan lahayd
waajibaadka ka saaran xuquuqda aadanaha.

13 DECEMBER 2014.

Dhamaad.

Goobjoog News