U bood dhigaalka

Qaramada Midoobey Oo Cambaareysay Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Gobolka Banaadir

Sheeko:Amniga

Qaramada Midoobey  ayaa cambaareysay Qaraxii shalay ka dhacay xarunta dowladda hoose ee Xamar , kaas oo geystay khasaare isugu jiro dhimayo iyo dhaawac soo gaaray xubno ka tirsan maamulka gobolaka Banaadir.

Ergeyga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabbilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa si weyn u cambaaeeyay ciddii ka dambeysay qaraxii ka dhacay xarunta Gobolka Banaadir.

War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska UNSOM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in ay Qaramada Midoobay aad ugu xun tahay wixii halkaasi ka dhacay, Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysana ay Garab taagan tahay Dadka iyo Dowladda Soomaaliyeed.

“Waxaan cambaareynayaa weerarka waxashnimada ah ee ay soo maleegeen kuwo aan qaddarineyn nolosha Bini’aadmiga ee bartilmaameedsanaya Dad ka shaqeynaya wanaagga nolosha Walaalahooda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Gobolka Banaadir” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Xafiiska James Swan.

James Swan, oo sidoo kale ah Madaxa howlgalka Qaramada midoobay ee Soomaaliya (UNSOM), ayaa tacsi u diray Qoysaska iyo asxaabta dhibanayaasha, wuxuuna kuwa dhaawaca qaba u  rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Goobjoog News